crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masaajidda Adeegsada Cadceedda laga dhaliyo Korontada oo ku badanaya Hindiya. | HimiloNetwork

Masaajidda Adeegsada Cadceedda laga dhaliyo Korontada oo ku badanaya Hindiya.

Mumbai (Himilonetwork) – Masjid ku yaalla koofurta magaalada Mumbai ayaa noqday midkii shanaad ee adeegsada soolarka cadceedda korontada laga dhaliyo.
“Markii aan bilownay adeegsiga marwaxadaha, biilka korontada wuxuu kor u kacay 25,000 bil walba. Si aan u yareyno lacagtaas xaddigeedu badan yahay, waxaan sameynay soolarka cadceedda dhaliya,” ayuu yiri Khalil Vasil Khan, oo kamida Guddiga Masjidka.
“Bil walba waxaan rajeyneynaa inay bil walba qiimahaas hoos u dhaco 1000. Sannadka xigana waxay u badan tahay inaan badbaadino adduun dhan 3.75 lakh oo ku bixi jiray qarashka korontada.”
Bishii hore, Masjidku wuxuu cunay culeys koronto oo dhan 25-kilowatt power (kW) oo u dhiganta 72 soolar.
Adeegsiga soolarku wuxuu 90% dabooli karaa baahida Masjidku u qabo helidda koronto ku filan sida marwaxadaha.
Afarta Masaajid oo mashruucan horay u dhaqan-geliyay waxaa kamida Madarsa-e-Mohammadiya oo ku caan ah Akash Masjid, Jama Masjid ee Kalbadevi, Minara Masjid, iyo Zakaria Masjid.
“Fikirka ka danbeeya arrintani waa baahinta wacyiga la xiriira ilaalinta iyo kahor-taga degaanka iyo in la dhimo adeegsiga waxlaha wasaqeynaya hawada lana bilaabo kuwa degaanka aan dhibaato ku keeneyn,” ayuu yiri Khan.
Saqafka sare ee Masjidka ayaa lagu sameeyey soolarada kuwaas oo midab cagaaran ka dhigay dhakadiisa.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!