crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Marooko oo laga mamnuucayo adeegsiga Bacda ‘balastikada’. | HimiloNetwork

Marooko oo laga mamnuucayo adeegsiga Bacda ‘balastikada’.

Rabat (Himilonetwork) – Dalka Marooko waxaa laga mamnuucay bacda – balastikada – oo ah dalka labaad ee ugu isticmaalka badan bacda kaddib dalka Maraykanka, hayeeshe saraakiishu waxay sheegayaan inay qaadan doonto muddo badan sida loola qabsado sharciga. 
Hindisahan hadda dhaqan-galay waxaa barlamaanka la mariyay sannadkii 2015-ka. Taniyo markaasna, milkiilayaasha goobaha ganacsiga ayaa isku dayayay inay raadsadaan beddel kale oo ay kaga kaaftoomi karaan bacaha, sida ay soo xigatay al-Jazeera. 
“Waa is-beddel cusub oo dhaqanka saameynaya,” ayuu u sheegay Jennie Romer. “Inta ay dowladdu dhiirri-gelinayso dhaqan-gelinta sharcigan, waxaa ku jiri doona faa’iidooyin badan.”
Marooko waxay isticmaashaa saddex bilyan oo baco ah sannad walba, marka loo eego wasaaradda warshadaha. Maraykanka ayaa isticmaala 100 bilyan oo baco ah sannad walba, marka loo eego   Earth Policy Institute.
Halka hal tirilyan oo bac ah sannad walba dunida oo dhan laga isticmaalo. 
Marooko ayaa muddo sannado ah isku diyaarinaysay mamnuucista bacaha. Waxaana jiray dadaallo hore oo mar lagu doonay in lagu dhimo adeegsiga bacaha. 
Yassine Zegzouti, oo ah madax-weynaha shirkadda  Mawarid ayaa sheegay in qeybta ugu adag ay noqon doonto sidii loo bedeli lahaa dhaqanka adeegsi ee bacaha. 
Marooko ayaa kamid ah dalalka ugu doogsan ee ugu degaan quruxsanaan badan dunida sida; Costa RicaBhutan iyo Ethiopia

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!