Lakulan – Bisadda ugu xanaaqa badan internet-ka.

Muqdisho (Himilonetwork) – Inteenna badan waxaa dhacda inaynan jecleysan rabaayaysiga iyo xannaanada mukulaalaha. Qaarkeen waxayba nacaan inay kasoo ag dhawaato. Warkan wuxuu dhiillo kusii abuuri karaa inta aan ka ahayn daryeelayaasha bisadaha. Waayo waxay ku qaadanaysaa muddo kale inay ka fikiraan suura-galnimada ah inay habboon tahay rabaayaysigeeda iyo kale.
Hayeeshe kuwa qaaday tabtii abuu Hurayra RC, falkani kuma qaadi karo in yar oo is-baddal ah, waayo waxay og yihiin in baxaalliga abuur ee bisadaha uu aad u nugul yahay hanashada naxariista ina Aadan. Sidaas awgeed, tusaale yar ee geesta kale uga iftiima, kama xoog badin karo tusmada fiican oo ay ku daryeelaan.
Yaanyuuruhu waxay si guud u noqdeen noolaha laga wada sinnaaday rabaayaysigooda. Muslim iyo kan aan Muslimka ahayn waxay si mid ah ugu yeesheen fiiro gaar ah daryeelkooda.
Lamid ma ahan Eeyaha oo Muslimiinta ma ahane, umadaha kale rabaayad ahaan u dhaqdaan.
Sidaas darteed, helidda dareen guud oo loo dhan yahay ayaa la timid in Yaanyuuruhu noqdaan qeyb kale oo kamid ah madadaalada iyo adeegsiga baraha bulshada.
Garifi ayaana kamid ah bisadahaas taas oo caan ka noqotay barahada sawirrada lagu wadaago ee Flickr kaddib markii milkiilaheeda Hulya Ozkok uu soo dhigay muuqaalladeeda kala duwan.
Xirashada dhar kala ceyn ah iyo nuuc kasta oo kamid ah macdanta dhalaasha kama dhigin mid badasha suuradeeda. Mar kasta oo ay kasoo bikaacdo bartiisa wax aan ka ahayn labiska iskama badalin.
Waxay kusoo muuqatay waji macbuuskii lagu xaman jiray dadka aan dhoollaha caddaynin. Taasi waxay keentay in warkeedu uu ku baado dhammaan baraha bulshada oo dhan taniyo sanadkii 2014-ka.
Garfi-angry-cat2-550x440 Garfi-angry-cat3-550x367 Garfi-angry-cat4-550x438 Garfi-angry-cat5-550x392 Garfi-angry-cat6-550x440
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!