PUTRAJAYA (HN) — Shirkadda Maareynta Qashinka iyo Ilaalinta Badqabka Degaanka ee dalka Malaysia ayaa sheegtay in 4,005 oo tan oo ah cunnooyin lagu cuni karo in si maalinle ah loogu soo qubay meelaha lagu shubo qashinka intii lagu jiray bisha barakaysan ee Ramadan.
“Tirada cunnooyinka la daadiyay waxaa lagu quudin kara saddex jeer maalin walba dad gaaraya 2.97 milyan oo qof,” ayuu yiri Mohd Pauze Mohamed, oo ah maareeye xigeenka Shirkadda.
Warbixinta Shirkaddan ayaa lagu sheegay in sidan oo kale sannad walba marka la gaaro xilliyada soonka in malaayin raashiin bisil ah – balse la nacay – ay ku dhammaadaan oogada dhulka. Waxaa la filayaa in dhibaatadani ay kor u kici doonto 15% — 20% sannadaha soo aadan.
Warbixinta oo la diyaariyay waqtiyadii dambe ee lagu jiray bisha Soonqaad ayaa lagu sheegay inaysan u dhammeyn sidii loogu tala-galay. Balse marka la fiiriyo kuwii la soo saaray sannadkii hore, tirada cunnooyinka la daadiyo waxaa la filayaa inay kordhaan siiba magaalada caasimadda ah ee Kuala Lampur.
Waxaa kale oo la xusay in cunnooyinka la nacay ay 44.5 ka yihiin qashinka sida maalinlaha ah loogu qubo goobaha lagu shubo keydka qashimada. Halis dhinaca caafimaadka ah ayaa laga cabsi qabaa inay tallaabadani ku keento dadka iyo duunyada.
Si haddaba xaaladdan loola tacaalo, waxaa la hir-geliyay Mashruuca Food Waste Reduction – halkaas oo qorshuhu yahay in maqaayadaha diyaariya cunnooyinka Afurka iyo Suxuurta laga caawiyo sidii ay u maareyn lahaayeen wax soo saarkooda ka badan baahida jirta. Wixii soo hara waxaa markaas kaddib si fudud loogu qeybin doonaa xubnaha nugul ee ku jira bulshada sida darbi-jiifta, masaakiinta, ardayda wax-barashada ku jirta ee aan heysan cunno ku filan iyo wixii soo raaca.
Balse waxay ugu yeereen in marka horaba la isku dayo sida la iskugu dheelli-tiri karo baahida jirta iyo cunnada ku filnaan karta.
You must log in to post a comment.