MUQDISHO (HN) — Xilli dunida Muslimka looga diyaargaroobayo dhalashada Bisha Ramadaan oo ku timid waqtiga dunida uu mar kale fara ba’an ku hayo xanuunka Covid-19, dowladda Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday inaysan jiri doonin isku imaantin nuuc walba ah inuu ka hirgalo labada Masjidka ee Makka iyo Madiina sida Taraawiixda, Ictikaafka, iyo xattaa wadajir in ‘lagu wada afuro.’
Sheikh Abdul Rahman Al-Sudais, oo ah hoggaanka laba Xarameyn – Makka iyo Madiina – ayaa xayiraada saaran goobaha lagu cibaadaysto inay usii dhaqan-geli doonto sida lamid ah sida ay hadda tahay oo aysan jiri doonin in lagu wada kulmo gudaha Masjidka.
Tirada xaddidan ee loo idmo inay ku dhex cibaadaystaan ayaa la faray inay raacaan hababka lagu xakameynayo xanuunka sida qaadashada tallaalka, xirashada afsaabka iyo dabcan kala fogaanshaha, marka loo eego nuxurka hadalkiisa.
Waxaa jiri doona saaladda Taraawiixda in lagu dukado masaajidda.

You must log in to post a comment.