MUQDISHO (HN) — Helidda dhuuni xalaal inay ka cunaan goobaha la iskugu yimaado sida iskuullada, Muslimiin badan waxay ku ahayd caqabad soo taagan.
Balse hadda ardayda Muslimiinta Atlantic City walwalkaas wuu kasii dhamaanaya madaama dugsiyada wax-barashada ay cunnooyinkooda kusoo kordhin doonaan dhuuni xalaal ah shanta maalmood ee toddobaadka.
Waana natiijada dadaal qaatay saddex sannadood oo uu horboodayay Farook Hossain; tallaab bogaadin iyo amaan mudan oo si weyn ay uga mahdiyeen Muslimiinta.
Selaedin Maksut, ayaa go’aanka ku qeexay horukac cajiib ah oo lagu hubsaday wada-noolaanshaha iyo ixtiraamka rabitaanka tirada yar.

You must log in to post a comment.