crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Madax-aan-Muslim ahayn oo ku baaqaya in Ragu guursadaan Dumar badan. | HimiloNetwork

Madax-aan-Muslim ahayn oo ku baaqaya in Ragu guursadaan Dumar badan.

Muqdisho (Himilonetwork) – Saraakiil dowladeed oo aan Muslimiin ahayn oo katirsan xukuumadda maamul-goboleedka Imo ee Nigeria ayaa ugu yeeray laboodka dalkaas inay guursadaan laba iyo saddex dumar ah si ay u dhimaan dhillaysiga.
“Idin kuma qasbayo, waase idin ku dhiirri-gelinayaa inaa guursataan laba iyo ka badan oo dumar ah si aad u yareysaan haweenka nin la’aanta ku jooga guryaha,” Oghechi Ololo ayaa laga soo xigtay iyada oo dhahaysa.
Ololo waxay ka hadlaysay madal ay isugu yimaadeen rag gaaraya 14,000 oo ku sugan Owerri kuwaas oo helayay xirfado nololeed oo kala duwan.
Marka loo eego Ololo, Imo state waxaa ku nool haween ka badan ragga – taas oo dhedig badan ku qasabta inay jirkooda ka ganacsadaan – oo ay gogol-dhaaf la sameeyaan xaaska dumarka la qabo.
Waxay xustay tirakoob lagu sheegay in 3.9 milyan oo qof – marka laga reebo 900,000 oo rag ah – inta kale ay dumar yihiin.
“Haweenkani waxay u ooynayaan inay helaan rag guursada maalin walba oo nolol ahaanna taageera,” ayay tiri. “Marka fadlan isku daya inaad halgan adag u gashaan sidii aad boos ugu raadin lahaydeen dumarka aan helin guur ay ku nastaan.”
“Ka dowlad ahaan, waxaan isku dayi doonnaa inaan dhinac istaagno raga go’aanka godadlenimada qaata kuwaas oo ugu yaraan laba xaas iyo ka badan guursan kara.”
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!