MUQDISHO (HN) — Sidaan ayay u kortaa gaari; saanna way uga degtaa. Waxay kaashataa salkeeda si ay ugu socoto. Waayo lugaheeda uguma yaaliin inay ku istaagto. Goor hore ayay ka noqdeen howlgab. Gurguurashada ayaana u socod ah. Laakiin ha nixin sheekadeedu waa kuu dambeysaa.
Magaceedu waa Maryam. Waxay ku nooshahay Tansaaniya. Waana 40 jir heysta afar carruur ah oo ay u kala dhashay laba nin oo ay kala tageen. Culeyskeedu waa 140 kg. In kasta oo aysan socon Karin, haddana taasi kama dhigna inaysan waxba qabsan Karin.
Waa nuuca dadka la yiraahdo howlkarka. Waayo baahi walba oo gurigeeda ka jirta iyada ayaa qabsata sida karinta cunnada; xalidda weelashada; iyo dabcan dhaqidda dharka.
Waxaa intaas u dheer, waa qof u nool meel sare gaarsiinta ubadkeedii ay kusoo fureen labadii sey oo ay u kala dhashay. Waa garoob aan quusan guur saddexaad. Waxay sugaysaa qofkii saxda ahaa oo ay nolosha kula dhammeysato farxad.
Maryam kuma aysan dhalan xaaladdan. Markii ay laba da’ dhashay ayuu cayilku kusoo bilowday. Mana ogaan jirin sababta. 35 sanno kahor, waxay ahayd qof qumaati u istaagi karta; lugaheenna kaga ciilbaxda sida fog oo ay damacdo inay socoto.
Qoys ka kooban 7 carruur ah ayay Maryam kamid ahayd. Laakiin xanuunka Duumada oo ku daba-dheeraaday awgeed iyo heliwaaga kaalmo caafimaad oo lagula tacaalo ayaa itaalkii iyo awooddii lugaha ku jirtay ka qaaday. Waxayna noqotay cuuryaam.
Tan iyo kolkaas ayay ku socotaa salkeeda. Mararka qaarna waxaa lagu qaadaa gaari gacan. Waxaase gu’yaal kaddib usoo raacay cayil murqaha ku fidsaday jirkeeda oo ka yeelay qof aan la hollin Karin. Sababta oo ah waxay qaadataa saddex qof mararka qaar in lagu saaro gaariga.
Noloshana caadiga ah iyo la-dhaqanka bulshadana uma sahlaneyn sidoo kale. Waxay la kulmi jirtay cambaareyn, eedeyn iyo bahdilaad la xiriirta cayilka saaran korkeeda sida waxaa tahay qof cirweyn iyo wixii la halmaala.
Waase qof fariid ah; farxaan ah; kuna qanacsan qaddarka Eebbe iyo qorshihiisa. Mid ayaase mugdi uga jira. Waana sida ay ku samata-bixi doonto mustaqbalka. Labadii nin oo ay ilmaha u dhashayba waxay ku fureen cuuryaanimadeeda. Mana oga inay heli doonto mid ku jeclaada sida ay tahay oo nolol macaan la qaata.
Maryam waxay ku kalsoon tahay qofnimadeeda. Waxayna hubtaa inay waxqabsan karto haddii loo fidiyo baahiyaha gunta ah oo ay wax ku bilaaban karto. Mana aaminsana inay tahay qof liidan oo hadiyo jeer u baahan in la garab qabto. Taas beddelkeeda, waxay rumeysan tahay inay tahay qof dunida wax kusoo kordhin karta.
Haddii magaalada ay ku nooshahay ee Daara-salaam ay ka hesho fursad shaqo oo ay haween kale kala dhinac xoogsato suuqyada, waxay filaysaa inay isaga filnaato koriimada ilmaheeda.
You must log in to post a comment.