La kulan: Haweeneydii dhashay 44 carruur ah iyada oo 40-jir ah.
Posted by: Himilo
in Wararka
October 27, 2018
718 Views
Kampala (Himilonetwork) – Mariam Nabatanzi, haweeney 40-sano-jir ah oo ku nool degmada Mukono waxaa loogu yeeray haweeneyda ugu dhalmada badan kaddib markii lasoo weriyay inay dhashay carruur gaaraysa 44.
Gudaha xaafaddeeda Kabimbiri ee bartamaha Uganda, Mariam Nabatanzi waxaa lagu naaneysaa Nalongo Muzaala Bana oo micnaheedu yahay hooyada mataanleyda ah ee dhasha afar dhal mar walba.
18-kii sano ee lasoo dhaafay oo ay xaamilo iyo dhalmo u dhaxaysay waxay lix jeer dhashay carruur -laba-labo mataano ah; afar jeerna waxay dhashay saddex carruur oo mataano ah; saddex jeer oo ay dhashay afar carruur oo mataano ah iyo marmar oo ay dhashay hal hal carruur oo goonni u dhashay.
44-ka carruur oo ay dunida kusoo kordhisay, hadda waxaa ka nool 38 carruur ah oo badi ay kula nool yihiin gurigeeda. Mariam waa hooyo kali u nool ah, in kasta oo ay qoys ballaaran oo intaas la’eg ay mas’uul ka tahay, haddana waxay awoodi kartaa inay afkooda wax ku rido oo aysan qadin. Waxaa la guursaday iyada oo 12 jira. Uurkeedii ugu horreeyana waxay qaaday iyada oo 13 jir ah sannadkii 1994-kii.
Mariam waxay waligeed jeclaan jirtay inay dhasho lix carruur ah oo kaliya. Balse markii ay tiradu maraysay 18 carruur, waxay go’aansatay inay iska joojiso. Waxaase loo sheegay in tallaab walba oo la isku dayo in laga joojiyo dhalmada badan ay halis gelin karto nafteeda.
Dr. Charles Kiggundu, oo ku gaaroobay culuumta dhalmada iyo gadaala-aqoonka kana shaqeeya isbitaalka Mulango ayaa sheegay in Mariam kiiskeeda uu xiriir hore la wadaago dhanka hidda-sidaha oo ay soo saarto ugxamo aad uga badan inta caadiga ah oo haweenku soo gaaraan xilliyada ay helayaan dhiigga caadada.
Markii ay 23-jirsatay, waxay haddana isku dayday inay iska joojiso dhalmada maadaama ay dhashay 25 carruur ah. Balse jawaabtii hore wali madoorsoomin oo waa lagu gacan-seyray.
Dhalmadeeda badan waxay soo af-jarantay sannadkii 2016-ka markaas oo ay dhashay dhallaankeedii ugu danbeeyey.
Seygeedu waa mid rabshada badan sidoo kalana qamriya-cab ah kaas oo aan guriga soo galin inta badan. Wuxuu soo dhacaa xilli dhexe habeenkii kaddibna sii jarmaadaa aroorta hore.
23-jirka curadka u ah ilmaheeda ayaa sheegay inuusan aabihii arag maalin cad. Waana iyada iyo ilmaheeda roonroon kuwa qaaday mas’uuliyadda ballaaran ee daryeelka qoyskeeda.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Related
2018-10-27
You must log in to post a comment.