MUQDISHO (HN) — Haweeney 56 jir ah taas oo qorsheynaysa inay furriinkeedii 10aad gasho ayaa sheegtay inaysan joojin doonin guursiga ilaa ay ka hesho qofkii ku habboonaa nolosheeda.
Cassey, oo ah ganacsato Maraykanka ku nool ayaa kasoo muuqatay barnaamijka Dr. Phil oo lagu gorfeeyo talooyinka guurka iyo lammaanaha xiriirkooda ku saabsan. Waayo 10 guur oo ay gashay kaddib, wali ma aysan helin qofkeedii saxda ahaa. Hadda oo ay qarka u saaran tahay inay soo afmeerto nolosha guur ee kala dhaxeysa seygeeda 10aad, Cassey waxay sheegtay inaysan joojin doonin inay guursato ilaa ay ka hesho qofkii ku habboonaa nolosheeda; qof waligeed iyada un jeclaada.
“Markii aan ku jiro xeyn-daabka guurka, aalaaba waa aniga qofka yiraahda; bis nagu filan. aan kala tagno. Waxaan rabaa furriin,” Cassey ayaa tiri.
56 jirtan ayaa u sheegtay Dr. Phil in guurkeedii koowaad uu ku dhammaaday muddo 8 sanno ah, weliba ay seygeedii ugu horreeyey ay ku kala tageen is-afgarad. Keedii labaad ayay sheegtay inuu gaaray 7 sanno. Waxayna isku dhaleen wiil. Laakiin xiriirka ayaa ku joogsaday goortii seygeeda uu ka caaganaaday inuu u sheego inuu jecel yahay. Waxay tilmaantay in marwalba oo ay ku tiraahdo ‘waan ku jeclahay’ uu isagana ugu koobi jiray ‘sidoo kale.’
Haweeneydan ayaanan sii faaqidin toddobadii kale ee kasii danbeysay labadeeda abbaan-warayaal oo ay is qabeen muddo 15 sano ah. Waxayse xustay inay u dhaxday nuuc walba oo ina rageed ah sida daaci, cayaaryahan iyo wixii soo raaca. Waligeedse aysan helin qofkeedii saxda ahaa.
Cassey waxay Dr. Phil u sheegtay inay hadda dooneyso inay iska furto seygeeda 10aad maadaama aysan jecleysan sida uu ula dhaqmo.
Guul-darrooyinkii ay kala kulantay guursigeeda badan kama horjoogsanayaan inay calafkeeda ku baadigoobto helidda qofkii ku habboonaa.
“Dan kama lihi inta guur oo aan galay, waan guursan doonaa ilaa aan ka helo qofkaygii saxda ahaa.”
“Marnaba maheli doontid xiriir caafimaad qaba ilaa iyo inta aad kusii socotid sameysashada xiriiro sumeysan,” ayuu ku yiri Dr. Phil haweeneydan.
You must log in to post a comment.