crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sababta Lammaane ay Gabadhooda ugu bixiyeen Wi-Fi | HimiloNetwork

Sababta Lammaane ay Gabadhooda ugu bixiyeen Wi-Fi

MUQDISHO (HN) — Lammaane u dhashay waddanka Switzerland ayaa gabadhooda ugu magac-daray Twifia si ay u helaan 18 sano oo qad free ah.

Lammaanaha ayaa ka fal-celiyay xayaysiis ay barteeda facebook soo dhigtay shirkad Swiz ah bixisa adeeg internet ah taas oo oranaysay in – si loogu sahlo qad bilaash – qoyskii wiil kusoo kordha uu u bixiyo Twifus halka kuwa gabari kusoo biirtana ay ula baxaan Twifia. Taas beddelkeedana waxaa qoyskii ku dhiirrada inuu labadaas magac midkood ula baxo cunugooda ay heli karaan qad internet oo lacag la’aan ah muddo 18 sanno ah.

Kaddib ka baaraan-degista saha la gudboon, labadan waalid ayaa go’aansaday inay gabadhooda u bixiyaan Twifia si ay u helaan qad lacag la’aan ah iyo dheeraad kale oo abaalgud ah. Waxayna warqadda dhalashadeeda ugu dhigeen magacaas.

“Markii aan in badan sii qiimeeyeyba, wuxuu magacaasu iila dhadhamay mid soo jiidasho leh,” ayuu yiri seyga. “Afadaydu markii lama dhacsaneyn balse way igu raacday ugu danbeyntii.”

“Waa cunugiis,” ayay tiri. “Magaca Twifia wuxuu iila muuqda mid abuuraya xiriir naga dhaxeeya innaga oo dhan. Waxaa jira magac kale oo aan fiicneyn. Balse marwalba oo aan ku dhawaaqo wuxuu iila dhadhamayaa mid macaan badan.”

Markii ay aqoonsadeen waxa ka imaan kara go’aankooda, lammaanaha ayaa ku heshiiyay inaysan marnaba kasoo muuqan muuqbaahiyaha si aan loo aqoonsan qof ahaan.

“Ma dooneyno in naloo arko kuwo iibsaday magaca inantooda mana habboona inaan go’aankeenna dood gelino, sidaas darteed waxaan doorbidnay inaan hor tagin muuqbaahiyada.”

Philippe Fotsch oo ah helaha Twifia ayaa bogaadiyay go’aankooda wuxuuna ka rajeeyey inay ka gungaaraan dhammaadka heshiiskaas.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!