crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Haweeneyda ugu caatada badan Shiinaha. | HimiloNetwork

La kulan – Haweeneyda ugu caatada badan Shiinaha.

MUQDISHO (HN) — Haweeney 30 jir ah oo ku nool Shiinaha ayaa dalkeeda ka noqotay hadalheynta qofka ugu caatada ama ugu weydnimada badan kaddib markii muddo sannad gudihiis ah ay iska dhintay 40 kg. La-yaabka jira wuxuu yahay waxay ahayd 65kg markii ay bilowday inay is caatayso.

Haweeneydan aan magaceeda la xusin, waxay ku nooshahay gobalka Hebei waxaana dhererkeeda lagu sheegey 165cm. Markii ay dhashay canugeeda labaad ayaa culeyskeedu gaaray 65kg. Mana ku dareemin qanaaco culeyskaas. Sidaas darteed, waxay gashay leyli iyo hab nololeed u gaar ah oo ay iskaga dhimayso culeyska aan badneyn ee jirkeeda fuulay.

Hadafku wuxuu ahaa inay noqoto qof dhex yar oo lamid ah gabdhaha aan wax dhalin. Gudaha dalka Shiinahana waxaa caatada loo arkaa qurux iyo bidhaan.

Si kastaba, isbitaalka ayaa loola cararay waxaana la jiifiyay qeybta ICU-da. Dhaqaatiirta ayaa sheegay in haweeneydan ay la kulantay dhibaato caafimaad oo badan sida kelya-xanuun, timo daadasho, laabjeex iyo kuwa kale. Waxaa xattaa ka joogsaday caadadii ay bil walba heli jirtay.

Waxay ka caaganaatay xanuun awgiis cunnitaanka raashiinka. Culeyskeedu hadda wuxuu gaaray 25 kg.

Gudaha Shiinaha hadda waxaa looga aqoonsaday qofka ugu caatada badan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!