Ku dhiirro Caawinta Walaalkaaga Hiilka kaaga baahan.
Posted by: Zakariya
in Wararka
April 12, 2018
460 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Waxay ahayd xaflada balse ka duwan xafladihii aan ka qeyb gali jiray, waa madal arday iskuul oo is xil qaamay ay gaari ay ku guddoon siineyeen saaxiibkood oo laxaad la’.
Ma ahan wax ugub ah in aan aragno dad Soomaaliyeed oo is caawinaya balse tani waxay ahayd arrin igu cusub in aan arko Arday iskuul isla dhigta oo dadaal intaas la’eg sameeya iyagoo lacag ay iska aruuriyeen ugu gar-gaaraya mid kamid ah ardada oo ay ku adkaatay in uu soo gaaro iskuulka.
Aragtidayda, waxay mareen da’yartan kuna dhiiradeen waddo wanaagsan oo ay diinteennu nafartay maadaama Nabigeena Muxamed (NNKH) wuxuu sheegay in Alle uu ugu jecel yahay dadka kuwa ugu wax tarka badan, Acmaasha uu Eebbe uu jecel-yahayna ay tahay ka farxinta qof Muslim ah; qof Muslim ahna waxaad uga farxin kartaa wax wanaagsan in aad u sameyno ama aad ka dul qaado Kurbo haysa.
Ardada go’aankan kaalmeynta qaatay waa Ardada iskuulka Hanti-Wadaag oo sida ka muuqata Magacooda la wadaagay hantidoodii mid kamid ah Ardada Iskuulka, oo gurguurasho ku imaan jiray kuna laaban jiray.
Xafladda waxaa kasoo qeyb galay dad ka badan 2,000 ruux oo isugu jira Ardayda Iskuulka Macalimiinta, waalidka dhalay Ardayga lagu doonsiinaye Gaariga iyo waalidka dariska la ah schoolka.
Dadaalka mira dhalay ee ardayda wxuu farxadda iyo garabta siiyey dhammaanba ardayga iskuulka oo dareemay damacoodii gacan siinta inuu dhaboobay.
Maxamed Axmed Cabdulle waa Ardayga lasiiyey gaariga nooca dadka laxaadka la’, waxuu ii sheegay waxa ugu weyn ee uu ka fikiri jiray inay aheyd sidii uu ku gaari lahaa iskuula marka uu goojo guriga halka marka uu imaado iskuula uu haddana ka firiki jiray sidii uu ugu laaban lahaa guriga
Waxuu gur-guurasho ku soo jaraa saddex xaafad is uu u soo gaaro iskuulkiisa oo ku yaalo dagmada Warta Nabadda, isaga oon ka waaban kuleylka qoraxda, busta, dabeylaha xooggan iyo roobka waxaa u sii dheer jidad oo aan sineyn, balse intaa oo culeys ah in kasta oo uu dareensan yahay haddana kama oodin inuu maalinle u xaadiro iskuulka.
Qore: Ali Abdulle Hilowle.
Kala xiriir: Calikaafi9@gmail.com
Related
2018-04-12
You must log in to post a comment.