crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Mandheera: gabar umushay xilli ay ku jirtay imtixaan | HimiloNetwork

Mandheera: gabar umushay xilli ay ku jirtay imtixaan

Mandheera – Gabar ardayad ah oo u fadhisay imtixaanka dugsiga sare ee KCSE ayaa loola cararay isbitaalka kadib markii ay fooshu qabatay kahor intaan lasii gelin tijaabada Bayoolojiga maalintii Jimcaha.
Gabadha oo kamid ah ardayda dugsiga sare ee Township ayaa ku dhashay isbitaalka Zonal ee degmada Mandheera ayuu sheegay Cabdi Shiikh oo ah sarkaal katirsan waaxda waxbarshada ee bariga Mandheera.
“Kadib markii hoos-meeraha fasalka uu ogaaday in gabadha uu hayo xanuunka foosha ayuu ku war-geliyay kormeeraha kaas oo isbitaalka ula cararay,” ayuu Shiikh saxaafadda ugu sheegay xafiiskiisa.
“Waxay warqaddii labaad ee tijaabada Bayoolojiga ku hor sameysay hoos-meeraha iyo ilaalada bileyska iyada oo ku jirta isbitaalka,”
Wuxuu sheegay in gabadhu ay ku dhameysan doonto imtixaanka gudaha isbitaalka–isaga oo intaas kusii daray in dhacdooyinkan oo kale kolkol laga soo weriyo xilliyada lagu jiro imtixaanka KCSE.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!