Kansarka sii badanaya oo cayilka lala xiriiriyay!
Posted by: Himilo
in Sahanka
September 24, 2018
1,048 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – In aad loo cayilo ayaa ayaa qayb wayn ka qaadata waxa sababa Kansarka sii badanaya ee UK, halka ay hoos uga dhaceen kansarka uu keeno sigaar cabbidda, sida ay sheegayso cilmibaadhis wayn oo la sameeyay.
Xarunta Cilmibaarista UK ee la dhoho Cancer Research UK ayaa ogaatay in saddexmooloodow meel kansarka dadka ku dhacay in laga gaashaaman karay – dadkaas oo qiyaas ahaan noqonaya 135,000 oo ruux.
Hay’addan cilmibaarista ayaa sidoo kale ogaatay in cayilka siyaadada ah uu hadda keeno 6.3% ka mid ah dhammaan kiisaska xannuunka Kansarka – waxayna arrintaasi sare u kacday 5.5% tan iyo wixii ka dambeeyay sannadkii 2011kii, halka uu hoos uga dhacay kiisaska kansarka ee laga qaaday sigaar cabidda.
Cilmibaarista waxaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin dheeri ah si wax looga qabto “halista caafimaad ee cayilka saa’idka ah.
Hay’adda Cancer Research UK waxay ogaatay in kiisaska ugu badan ee xannuunka Kansarka ee laga hortagi karay ay ka dhaceen Scotland iyadoo tiro ahaan ay ahaayeen 41.5 boqolkiiba, waxaana ku soo xigtay Northern Ireland oo 38% noqotay, Wales 37.8% iyo England oo 37.3% ah.
UK oo dhan marka la isku daro kiisaska xanuunka kansarka ee laga gaashaaman karo waxyaabaha keena waxaa hogaaminaya sigaarka inkasta oo hoos u dhac uu jiro oo halkii uu horay uga ahaa 19.4% sannadkii 2011kii uu hadda ka yahay 15.1%.
Arrinta kaalinta labaad ku jirta ee la eersadana waa cayilka xad dhaafka ah arrinta saddexaadna waa oo qoraxda oo ruuxa toos ugu dhacda ama la isu dhigo iyadoo laga rabo in la cadceedsado ama la isku diiriyo.
Xigasho – BBCSomali.com
Related
2018-09-24
You must log in to post a comment.