crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Daawo Sawirrada – Masjidkii UGU horreeyey ee laga dhiso UK. | HimiloNetwork

Daawo Sawirrada – Masjidkii UGU horreeyey ee laga dhiso UK.

London (Himilonetwork) – Wargeyska Britain ee The Sun ayaa daabacay sawirada Masjidkii ugu horreeyey ee laga dhiso Britain gaar ahaan Woking ee Surrey kaas oo dib ugu laabanaya casrigii Victorian-ka.
Sawiradda ayaa muujinaya bilowgii qarnigii 20aad siduu u ekaa masjidkii koobaad ee laga taago cidda England.
Waxaa lagu magacaabaa Shah Jahan waxaana sannadkii 1889 laga dhisay 50 km meel koofur uga beegan caasimadda London.
Quruxda masjidka dhismihiisa waxaa ku fara-yareystay William Isaac. Sawiradda qaar ayaa muujinaya Muslimiinta oo maalin Ciid ah ku tukanaya banaanka Masjidka sannadkii 1916-kii.
Mid kamid ah sawiradda ayaa muujinaya Boqor Hayle Salaase oo salaan diirran ka qaadanaya Sir Abdullah Archibald Buchanan Hamilton.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!