crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ilmihii dhashay 4 sano kaddib dhimashada Waalidkiisa. | HimiloNetwork

Ilmihii dhashay 4 sano kaddib dhimashada Waalidkiisa.

Beijing (Himilonetwork) – Wiil ayaa dhashay afar sano kaddib geerida labadiisa waalid.
Shen Jie iyo Liu Xi ayaa is qabay muddo laba sannadood ah, waxay dooni jireen inay carruur isku dhalaan.
Markii ay awoodi waayeen inay galmada tooska ah iskugu qaadaan uur, waxay iskula weecdeen hannaanka beerista ugxamaha ee bacriminta dadban oo loo yaqaan IVF –  In Vitro Fertilization.
Shan maalin kahor inta aan la isku tallaalin labada ugxamaha labka iyo dhedigta, lammaanaha ayaa ku geeriyooday shil gaari.
Saddexdii sano ee lasoo dhaafay, waalidiinta lammaanaha ayaa halgan adag u galay sidii ay ku heli lahaayeen ugxamaha ilmahooda si la iskugu tallaalo.
Iyaga oo kaashanaya haweeney oggolaata inay riximkeeda ku qaado uurka cunuggan, waxay ku guuleysteen in loo dhalo wiil loo bixiyay Tiantian – oo afka Mandarin ku ah macaan.
Waalidiinta lammaanaha dhintay ayaa sheegay in wiilka ay ayeeyada u yihiin uu aad ugu eg yahay labadiisa waalid.
Afartoodu waxaa wadajir uga go’an inay koriyaan wiilkooda.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!