MUQDISHO (HN) — Haweeney 102 jir ah, oo ka timid dalka Thailand, ayaa noqotay Xaajiyadda ugu cimriga dheer xujeyda sannadkan.
“Waxaan jeclaa marwalba inaan soo xajiyo; laakiin fursaddaas hadda ayay ii timid si aan uga faa’iideysto,” ayay tiri Noh Lanai iyada oo faraxsan.
Haweeneyda Muslimadda ah waxay safar uga timid Madiina al-Munawarah, waxaana wehlinayay reerka uu ka mid yahay wiilkeeda. Hadda oo acmaasha Xajka ay soo dhawdahay, waxaa lagula taliyay inay adeegsato gaariga cuuryaamada si ay tamarteeda ugu keysato gudaha acmaasha Xajka.
Lanai kaliya ma aysan xaadirin khudbaha la xiriira sida loo guto acmaasha Xajka, balse waxay sidoo kale usoo gashay leyli ay jir ahaan ugu diyaar-garoobayso maalin walba.
“Qof kasta oo Muslim ah waxaan ugu yeerayaa inuusan ka joogsan ducada; rajada ah inay halkan yimaadaanna ay aad u sarreyso.”
You must log in to post a comment.