crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haween – si ay u qaataan Tallaalka Covid-19 – ku kacay fal la yaab leh! | HimiloNetwork

Haween – si ay u qaataan Tallaalka Covid-19 – ku kacay fal la yaab leh!

MUQDISHO (HN) — Laba haween ah oo ku nool Florida ayaa lagu qabtay isku day ah inay doonayeen tallaalka xanuunka Covid-19 iyaga oo iska dhigaya waayeelo si loogu fududeeyo.

Shaqaalaha Florida Department of Health ayaa soo werinaya qisada laba haween oo kala jira 34 iyo 44 kuwaas oo yimid xanuunka tallaalka xanuunka si looga siiyo tallaalka kahortagga Corona. Si ay ugu muuqdaan da’ waxay soo xirteen jaakado iyo af-saab u ekeysiinaya waayeello.

Markii boolisku si dhow ugu kuurgalay muqaalkooda, waxaa la ogaaday inaysan ahayn waayeelo. Baaritaankii xigay ee lagu sameeyey kaararkoodana, wuxuu caddeeyey inaysan is lahayn xogaha ku qoran.

Yaabka jira ayaa ah in labada haween ay goor hore u qaateen tallaalka oo ay mar labaad doonayeen inay helaan. Laakiin booliska ayaan ogeyn haddii qiyaanadan oo kale ay ku heleen tallaalka iyo in kale.

Booliska ayaa digniin siiyay labadan haween, hayeeshe wax tallaabo ah lagama qaadin.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!