Haween ku xayirmay garoon markii Wejigooda laga aqoonsan waayay sawirrada Dal-ku-galka.
Posted by: Zakariya
in Wararka
October 10, 2017
403 Views
Seoul (Himilonetwork) – Sawirrada saddexda gabdhood oo Shiinees ah ayaa la sheegayaa inay ku xayirmeen gegida duyuuradaha Koofur Kuuriya, waayo baasaboorradooda ayaan si sax ah uga ekeyn wejiyadooda kadib markii qaliin-qurxin ay isku sameeyeen.
Kuuriya waxay caan ku tahay qalliimada quruxda kuwa ugu casrisan adduunka, marka la yaab malahan in haweenka dalalka kale ee Asiya ka socda sida Shiinaha iyo Japan ay joogto u yimaadaan Kuuriya si wejiga loogu qurxiyo.
Dhibaatadu waxay tahay in qaarkood shaqadu kaga joogsato sanka iyo dhabanno shubista. Waxay taas bedelkeeda dib u suuradeeyaan wejiga oo dhan taas oo dhibaato ku ah waaxda gegida diyaaradaha inay ka heyb aqoonsadaan sawiradda baasaboorradooda.
“Wejiga oo wada shuban, xittaa hooyadaa ma awoodo inay ku garato,” Qof ayaa soo qoray.
“I saamax, uguma tala-gelin inaan qoslo hayeeshe wejiyadooda aad bay isku doorriyeen,” Mid kale ayaa soo qoray.

Xigasho – radiohimilo.so
Related
2017-10-10
You must log in to post a comment.