Gabar Jiir u karisay qoyska ay ku shaqeyso si ay kaga aarsato!
						
		
	Posted by:  Zakariya 
	
	in  La-yaabka
	
		
	 September 26, 2017	
	
779 Views 
	
				
					
					Porto Novo (Himilonetwork) – Gabar da’yar oo ku nool dalka Benin ayaa laba jiir u dishay si ay bariis ugu kariso kadibna u siiso reerka kaabe shaqaalaheeda – waayo waxay doonaysay inay aargudato.
15-jirtan oo magaceeda lagu sheegay Felicia kuna nool Cotonou waxaa lagu qasbay inay muuqaal fiidiyow ah ku qirato danbigeeda si deriska hareeraha ka dhow uga digtoonaadaan inay shaqaaleysiiyaan.
Felicia waxay sheegtay inay ka xanaaqday hab-la-dhaqanka xun oo kaabe shaqaalaheeda ay kula dhaqmaysay.
Markii loo sheegay inay bariiska jollof – oo caan ka ah galbeedka Afrika – usoo kariso, Felicia waxay dishay dhowr jiir.
Waxay jarjartay hilibkooda kuna dartay bariiska. Kolkii midka carruurta loo shaqeeyaha uu ka dhadhan xumaaday hilibka, Felicia waxaa lagu qasbay inay runta tiraahdo.
Kadibna waxay qiratay inay dishay dhowr jiir cuntana ugu karisay. Tallaabtaas ayaana keensatay in muuqaalka laga duubo si inta kale uga digtoonaadaan.
Xigasho – radiohimilo.so
	
Related
										
					
									 
								2017-09-26
								
								
				 				
			 
		
You must log in to post a comment.