Faransiiska – Haweenka xijaaban oo laga mamnuucayo inay carruurtooda usoo kaxeeyaan goobaha wax-barashada.
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
January 2, 2018
332 Views
Muqdisho – Wasiirka Wax-barashada Faransiiska ayaa ku baaqay inay hooyooyinka Muslimiinta ah marka ay carruurtooda usoo kaxaynayaan dugsiyada aysan soo xiran xijaab.
“Carruurta waa inay iskuul la yimaadaan hooyooyinkooda aan xirnayn qamaar ama xijaab maadaama astaan diimeed uu muujinayo,” ayuu yiri Jean-Michel Blanquer. “Aragtidayda gaarka ah waxay tahay inaan haweeneyda Muslimadda ah loo idmin xirashada xijaabka marka ay soo wadayso ama celinayso carruurteeda.”
Mar la weydiiyay haddii tani ay ka dhigan tahay haweenka Muslimiinta ah in laga mamnuuco xijaabka, wasiirku wuxuu sheegay in tani ay tahay aragtidiisa ka baxsan sharciga qaranka.
Ma ahan markii ugu horreysay oo xirashada xijaabka la geliyo dood gudaha Faransiiska.
Sanadkii 2013 iyo kii dhawaa 2016 waxaa jiray aragtiyo iska daba dhow oo wasiirrada Faransiiska ay ku tala-bixinayaan mamnuucista xijaabka marka haweeneydu ay carruurteeda lasoo aadayso goobaha wax-barashada.
Related
2018-01-02
You must log in to post a comment.