Istanbul (HN) — Masjidka Camlica oo loo dhisay qaab-dhismeedkii farshaxan ee Cismaaniyiinta – kaas oo halkii mar qaadi kara tiro gaaraysa 63,000 oo Muslimiin ah – ayaa laga furay magaalada Istanbul.
Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayyib Erdogan ayaa maalintii Jimcaha albaabada u furay.
Furitaanka Masjidkan cusub, Erdogan wuxuu aad u canbaareeyey falalka argagaxisanimo ee lala eegto goobaha lagu cibaadeysto.
“Kuwa weerara Masaajidda ama Kaniisadaha waxay ku nool yihiin mugdi, waxaana ay cadaw ku yihiin Isnaaniyadda,” ayuu yiri.
Masjidku wuxuu leeyahay lix minaarad kuwaas oo u taagan lixda tiir ee Iimaanka qofka Muslimka ah.
Marka laga yimaado minaaradaha, wuxuu sidoo kale leeyahay maktabad, matxaf, hoolal shirar, iyo xarumo laga dukaameysan doono.
Madaxda dalalka Albania, Senegal, Gini iyo Falastiin ayaa kasoo qeyb-galay xafladdii furitaanka.
You must log in to post a comment.