crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Da’yarta Sawirada ku qaada Bartanka Waddada. | HimiloNetwork

Da’yarta Sawirada ku qaada Bartanka Waddada.

MUQDISHO (HN) — Halkani ma ahan meel uu galbis ama shil ka dhacayo. Waa goob loogu tala-galay in sawiro qurxoon oo soo jiidashado leh looga qaado keli-keli iyo lammaane intaba dadka jecel in ammintooda farxadda leh kaameraddu u qabato.

Cabdirizaq Maxamed Cabdirahman waa helaha hal-abuurkan.

“Munaasabad walba sida sagootin, galbis, dhalasho iyo wixii la halmaala ayaanu halkan ugu sameynaa dadka jecel sawirada,” ayuu yiri.

Kacaanka sawir-qaadistu wuxuu u muuqdaa mid la-jaanqaadaya baahida da’yarta jecel inay sawirro qurxoon galaan. Waxayna fursad dhaqaale u noqotay sawirqaadayaal badan oo uu kamid yahay Maxamed Cabdiraxmaan oo shan sannadood kahor kusoo biiray ayaana kamid ah.

Wuxuu sheegay in habkan uu aad uga fudud yahay hababkii hore oo uu ku qaadi jiray sawiradda.

“Hal doolar ayaan ku qaadnaa halkii sawir,”ayuu yiri isaga oo kusii jeeda sawir ka qaadista macmiil u fadhiya. “Waagii hore dhowr sawir ayaan ku qaadi jirnay lacag yar oo aan badneyn.”

Marka loo eego Cabdirizaaq, waa qasab hadiyo jeer in fikrado hor leh lagu soo biiriyo hababka muuqaal duubidda. Waayo wax walba waxaa loo bilaabaa inay is-beddelaan.

“Waa muhiim in qofku hab iyo heemaal kale oo qurxoon uu ku galo sawirada si uu qanaaco ugu dareemo,” ayuu yiri. “Waayo qofna majecla in meel kaliya mar iyo ka badan uu sawirro ku galo.”

Ka Maxamed ahaan, jaceylka ay dadku u qabaan qaabkan cusub inay ku galaan sawiradda wuxuu ku jiraa doorasho koowaad.

“Tirada ayaa naga lunta mararka qaar: siiba Ciidaha oo carruurta iyo qoysaska aan sawirada ka qaadno aysan yareyn; markaas oo kale kama daalaysid inaad saacado badan ku bixisid sawirridda,” ayuu yiri.

“Sababta oo ah lacagta badan oo aad ka heleysid ayaa ku dhiirrigelinaysa.”

Nimca Abdiraxman Ciise  oo maanta u timid in iyada iyo ehelkeeda sawirro halaasi ah laga qaado ayaana kamid ah.

“Dhowr mar ayaan halkan sawirro ku galay si aan aniga iyo qoyskaygaba xusuus uga dhiganno,” ayay tiri. “Laakiin dan kale oo ah inaan tiktok ama baraha kale ee bulshada aan kusoo baahiyo sawiradayda kama lihi.”

In kale ayaase tabtaas usoo aadaysa si aysan u lumin ammintooda mudan in caameradu ka marqaati noqoto.

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!