crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Da’yar Muslim ah oo gabar iyo aabaheed biyo ku dhacay soo badbaadiyay. | HimiloNetwork

Da’yar Muslim ah oo gabar iyo aabaheed biyo ku dhacay soo badbaadiyay.

MUQDISHO (HN) — Ficil geesinimo ah oo ku dhac leh ayuu kusoo badbaadiyay gabar iyo aabaheed isaga oo isku tuuray haro ku taal dalka Austria

Askar Al-Hajri, wuxuu ahaa muwaadin u dhashay Sucuudiga oo dalxiis ku joogay dalka Austria markii uu arkay gabar yar oo saaran gebi qarkiis kahor inta aysan ku dhicin biyaha harada. Aabaheed wuxuu ahaa mid ka qaadaya sawir markii shilku dhacay.

Eegmadii xigtay wuxuu arkay aabihii oo kasii daba-boodaya inantiisa si uu u badbaadiyo. Laakiin xaaladdu way sii xumaatay markii uu arkay labadooda oo biyuhu qariyeen oo aan loo jeedin.

“Waana kolkaas markii aan qaatay go’aan aan ka laabasho iyo labalabeyn lahayn si aan u samata-bixiyo,” ayuu yiri.

Si kastaba, isaga oo kaashanaya saaxiibadiisa, Askar wuxuu awooday inuu gabadha iyo aabaheed kasoo saaro biyaha harada.

“Maba jirin sabab aan isku celiyo – waayo labo unbaa ii furneyd: inaan aqbalo inay hortooda ku dhintaan ama aan go’aansano inaan aniga oo badbaadinaya la dhinto ama aan soo badbaadiyo,” ayuu yiri.

Sheekadiisa ayaa ku baahday baraha bulshada waxaana loogu yeeray halyey insaan ah. Safaaradda Sucuudiga ee Vienna ayaa bogaadiyay ficilka geesinimada leh oo muwaadinkoodu ku badbaadiyay gabadha iyo aabaheed.

Laakiin, Askar ma ahan Muslimka kaliya ee falkaas nafhurnimada ah ku kaca. Waxay ahayd sannado kahor markii koox Muslimiin ah ay u baxeen badbaadada dad ku jiray guryo gubaya oo ku yaalla London.

Bilowgii bishii horana, Dr. Hakan Acar ayaa geeriyooday xilli uu doonay inuu saaxiibkiisa oo biyo ku dhacay uu kasoo badbaadiyo.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!