MUQDISHO (HN) — Dab-yaqaan u dhashay dalka Hindiya ayaa dhawaan qalqal ku abuuray xoogga korontada ee laga isticmaalo xaafad ay degan tahay gabar uu xiriir jaceyl kala dhaxeeyo madaama uu damiyo korontada marwalba oo uu doono inuu la kulmo.
Muddo toddobaadyo ah, degmada Ganeshpur, ee gobalka Bihar waxay fahmi waayeen sababta fiid walba ay u tagto korontada xaafadda maadaama aysan wargelin iyo ogeysiis ku saabsan inay koronto ciladaysan tahay ka helin waaxda xoogga dabka.
Xaafadaha kale ee ku dhegan degmadana waxay korontadu ugu joogtay si caadi ah. Waana kolkii ay ku wargeliyeen maamulka inay wax ka qabtaan arrintan. Kolkii, si kastaba, baaritaan la sameeyey waxaa la ogaaday inay jirto sabab ka dambeysa mushkiladda oo aanay shirkaddu xog-ogaal u ahayn hadda kahor.
Waana la ogaaday in shaqaalaha shirkadda oo ah koronto yaqaan xiriir jaceyl la leh gabar ku nool xaafadda uu yahay shaqsiga ka dambeeya. Sababta ayuu ku sheegay inuu rabay inaan la ogaanin sida sheekadoodu u socoto iyo xiriirka ka dhaxeeya.
Odayaasha iyo dadka deegaanka ayaa si kastaba isku af-gartay inay isku guuriyaan labadan lammaane ee si qarsoodi ah u talantaalinayay jaceylkooda. Waxaana goobta arooska uu ka dhacay joogay odayaasha iyo guurtida xaafadda oo ka marti-qaati noqday jaceylkii dhaxalgalka noqday ee dab-yaqaankii korontada ka damin jiray kala dhaxeeya gabadhoodii xaafadda joogtay.
Wax tallaab ah lagama qaadin ninkan oo la xiriira fadqalaladii uu ku sameeyey xasiloonida xaafadda.

You must log in to post a comment.