crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wararka | HimiloNetwork | Page 7

Wararka

Alle dile unbaa dhinta: labo xabad ayaa madaxa uga dhacday mana dhiman!

MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay dalka Mexico ayaa noqday qofkii ugu nasiibka badnaa sannadkan kaddib markii uu ka badbaaday labo xabadood oo madaxa uga dhacday – kuwaas oo aan ka gudbin lafaha madaxa balse ku joogsaday. Ninkan oo la yiraahdo Francisco wuxuu marayay mid kamid ah waddooyinka caasimadda Mexico kolkii uu qori ula soo baxay Carlos N. kaas oo labo jeer ...

Read More »

Sheekada Haweeneyda 25 sano ‘quudinaysa’ Dawacooyinka!

MUQDISHO (HN) — Haweeney UK u dhalatay ayaa muddo gaaban caan iyo la-raadsade ku noqotay kaddib markii la ogaaday in saddex fac ku dhawaad oo Dawaco ah ay quudinaysay muddo 25 sannadood ah. Sharon Hughes waxay dawacooyinkan kusoo dhawayn jirtay xaafaddeeda East Kilbride ee koofurta Lanarkshire rubuc-qarnigii lasoo dhaafay. Laakiin casriga maanta oo aaladaha la adeegsado sida TikTok iyo Instagram ...

Read More »

La kulan – Tuugsada ugu lacagta badan Adduunka.

MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay dalka Hindiya kaas oo si maalinle ah uga dawarsada jidadka magaalada Mumbai ayaa la sheegay inuu yahay maalqabeen heysta adduun lacageed oo gaaraya hal milyan oo doollar. Halka dad badan oo Hindi ay si saacado badan maalin walba u shaqeeyaan si ay u helaan waxoogaa rupees ah, Bharat Jain, oo loogu yeero ‘tuugsadaha ugu maalqabeensan ...

Read More »

Dal walaac ka muujinaya ardaydiisa oo xafaayado ku imaanayaa dugsiyada.

MUQDISHO (HN) — Macalimiinta Switzerland ayaa laga soo warinayaa inay ku dhib qabaan carruur yaryar oo ilaa da’da 11 jirka gaaray kuwaas oo iskuullada ku yimaada – iyaga oo xafaayaddu ugu jirto oo aan laga soo bixin. Waayo weligoodba lama barin inay kortagga ama musqusha aadaan si ay isku soo nadiifiyaan ama saxarada ay iskaga dhaqaan. Dalka Switzerland carruurta qaar waxay wax-barashada ...

Read More »

Gabar 13 jir ah oo $63,000 ku bixisay cayaarta fiidiyow-game-ka.

MUQDISHO (HN) — Waalidiin Shiinaha u dhashay ayay fajaciso ku noqotay markii ay ogaadeen in gabadhooda 13 jirka ah ay adduun dhan 449,500 yuan ($63,000) ku bixisay cayaarta fiidiyow-game-ka. Mar qura ayay ka war heleen koontadii ay lacagta ku dhuran jireen oo faaruq ah – kaliya nus doolar ayaa loogu tagay. Haweeneydan iyo seygeeda waxay gu’yaal badan lacag ku keydsan ...

Read More »

Shirkad lagu dhaleeceeyey fal baalmarsan xeerka shaqaalaha.

MUQDISHO (HN) — Shirkad tiknoolojiyadda ka shaqeysay oo Hindiya ku taal ayaa dhawaan sameysay fal hadalheyn aad u badan ka dhex dhaliyay dadweynaha kaddib markii mid kamid ah maareeyayaasheeda uu faray in shaqaalaha xarunta aysan ka tagi karin amar la’aantiisa – waxaana albaabka laga baxo la arkayaa silsilad ku xiran. Muuqaalka waardiyaha oo qunful ku jebinaya ganjeelka weyn ayaa ku ...

Read More »

Haweeney 81 jir ah oo xabsi u galaysa ‘qorshe dil’ oo ay qeyb ka ahayd fulintiisa.

MUQDISHO (HN) — Haweeney 81 jir ah oo la sheegay inay xiriir hoose la lahayd dilayaasha Krasnodar ayaa loo xiray fal ah inay amartay dilka sarkaal dambi-baare ah. Lyudmila Ryabykh ma ahan abooto caadi ah. Kaliya xiriir lama lahan dilayaasha ee waxay sidoo kale madaxiisa duldhigtay dilka sarkaal dambi-baare ahaa oo hadda kahor ay sharciga isku qabteen. Dhawaan waxaa dhacday in ...

Read More »

Saca ugu qaalisan adduunka!

MUQDISHO (HN) — Sac shan jir ah oo ah nuuca la yiraahdo Nelore waxaa dhawaan lagu qiimeeyey adduun dhan $4.3 million, taas oo ka yeeshay midka ugu qaalisan adduunka maanta. Viatina-19 FIV Mara waxaa kaalintaas loo boqray sannadkii hore markii qeyb kamid ah saamigiisa lagu iibsaday adduun dhan $800,000, sababta qiimihiisa sare u dhigtay ayaa lagu tilmaamay inay tahay jaadka ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!