MUQDISHO (HN) — Magaalo Hindiya ku taalla, Duurjoogta siiba Haramcadka iyo dadku waxaa waagu ugu baryaa iyaga oo ag jiifa. Bera waa magaalo kamid ah gobalka Rajasthan. Waxayna caan ku tahay in dadka iyo haramcadyadu ay ku wada nool yihiin nabad. Hindiya waa dal kamid ah kuwa ugu tirada badan caalamka; waxaana sidoo kale ay hoy u tahay noolayaal badan ...
Read More »Wararka
La kulan – Sitey-ma-noogtada Tanzaaniya.
MUQDISHO (HN) — Sidaan ayay u kortaa gaari; saanna way uga degtaa. Waxay kaashataa salkeeda si ay ugu socoto. Waayo lugaheeda uguma yaaliin inay ku istaagto. Goor hore ayay ka noqdeen howlgab. Gurguurashada ayaana u socod ah. Laakiin ha nixin sheekadeedu waa kuu dambeysaa. Magaceedu waa Maryam. Waxay ku nooshahay Tansaaniya. Waana 40 jir heysta afar carruur ah oo ay ...
Read More »Gudaha Seyladda Xoolaha ee Hargeysa.
MUQDISHO (HN) — Jugta geela lagama kaco. Waxa ku dhacaya geeljirahanina waxay u dhigantaa 10 nin feerkooda oo la isku geeyey. Haraatida geelu waa jaad kamid ah hababka uu ku aarguto. Marka laga yimaado qaniinyada iyo durdurada, haraantidu waa tan ugu sahlan aalaaba oo uu ku halgaado geeljiraha. Balse inta aanan kula wadaagin sababta haraatidu ku timid aan wax kaaga ...
Read More »Sawiro – Gudaha fasallada wax loogu dhigo Ardayda Dhegoolayaasha ah.
MUQDISHO (HN) — Fasallo badan waxaa bulxanka iyo qeylada ka baxaysa laga maqlaa meel ka baxsan iskuulka, laakiin gudaha fasalkani kama maqlaysid wax sawaxan ah. Mana ahan inay ka cabsoonayaan in lagu ciqaabo. Waa inaysan helin nimcada maqalka. Waana waxa ay ka dhigan tahay in loogu yeero dhegoolayaal. Waa isku darka laba fasal oo kala ah afaraad iyo shanaad. Waxayna ...
Read More »La kulan – Ganacsadihii ku xubeeroobay Dabkii ka kacay Suuqyaraha Banaadir.
MUQDISHO (HN) — Musiibadii ka dhacday suuqyaraha Banaadir toddobaadkii tagay, waxaa xubeer fara-maran ku noqday ganacsato Soomaaliyeed kuwaas oo lacag adag oo ay dalkooda ku maalgeshadeen ku waayay dabkii qabsaday xarumihii ay ku ganacsanayeen. Dhaqane Axmed Xuseen oo hortaagan carwo uu lahaa – oo dabku gebi ahaanba dhulka la simay ayaana kamid ah. Kamana maqneyn meheradiisa markii uu shilku ...
Read More »Gudaha Suuqyaraha Gubtay ee Banaadir
MUQDISHO (HN) — Khadra Axmed Faarax waxay teer iyo habeen hore markii uu dabku qabsaday suuqyaraha Banaadir ku mashquulsan tahay daadgurada wixii ka haray hantidii uga bas beeshay. Waa mulkiilaha makiinad sisinta lagu shiido oo kamid ah 15 xarumood oo dab xooggan uu ka kacay fiilo koronto ay galaafatay hanti raashiin iyo bagaash u badan. “Wallaahi qasaaruhu mayara,” ayay tiri. ...
Read More »Madaxweynaha cusub iyo Mushkiladaha horyaalla.
MUQDISHO (HN) — Kuma cusba dhegaha dadka magaciisu. Muuqiisana haba sheegin. Siyaalo dhowr ah oo kala duwan ayuu uga qeyb ahaa geeddi-socodka nolosha rayidka siiba dhanka wax-barashada iyo hey’adaha. Laakiin wuxuu mar qura saaxadda caannimada iyo hadalheynta qabsaday 10 sannadood kahor. Waana halka ay kasoo bilaabato waaya’aragnimadiisa madaxtinimada Soomaaliya. Sannadkii 2012-ka, doorasho ay ku loolameen isaga iyo Shariif Sheikh Axmed ...
Read More »Sheekada Wiilka Soomaaliga ah ee Sababta u noqday Islaamidda Gabar Ruushiyan ah.
MUQDISHO (HN) — Saaxiibadii iyo ehelkii ay ka dhalatay waxay wali ugu yeeraan EKratine laakiin marwalba oo usoo daadagto waddooyinka magaalada iyada oo xiran xijaab magaceedu wuxuu isku beddelaa samiiro. Kanina waa shaqsiga ugu muhiimsan nolosheeda oo fure u ah fahamkeeda Islaamka iyo kamid noqoshadeeda bulshada Muslimka ah. Magaciisuna waa Yoonis – dhalashadiisuna waa Soomaali. Balse halkee ayay iska barteen ...
Read More »La kulan – Ragga Lugaha iyo Gacmaha la’
MUQDISHO (HN) — Waa laba isku baahan. Midna waa lugo la’aan; kan kale waa gacmo la’aan. Laakiin sheekadoodu kuma saabsana naafanimadooda. Waxay la xiriirtaa iskaalmayntooda iyo sida cajiibka leh oo ay isku dhammeystirayaan marwalba oo ay wax qabsanayaan. Faabiyaan waa gacmo laawe aan waxqabsan Karin – Juliusna waa lugo laawe aan socon Karin ama aan gaari Karin meelaha ka korreeya. ...
Read More »Da’yarta Sawirada ku qaada Bartanka Waddada.
MUQDISHO (HN) — Halkani ma ahan meel uu galbis ama shil ka dhacayo. Waa goob loogu tala-galay in sawiro qurxoon oo soo jiidashado leh looga qaado keli-keli iyo lammaane intaba dadka jecel in ammintooda farxadda leh kaameraddu u qabato. Cabdirizaq Maxamed Cabdirahman waa helaha hal-abuurkan. “Munaasabad walba sida sagootin, galbis, dhalasho iyo wixii la halmaala ayaanu halkan ugu sameynaa dadka ...
Read More »