crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 56

Dunida Muslimka

Daladda ugu ballaaran adduunka oo laga sameeyey Magaalada Makka.

Makkah (Himilonews) – Daladda ugu ballaaran adduunka oo dhismaheedu dhawaanahanba uu socday ayaa sanadkan lagu wadaa inay hoos iyo har qabow u noqoto Muslimiinta ka qeyb-galaya Xajka sanadkan, si looga yareeyo hurka iyo kuleylka cadceedda ee magaalada Barakaysan ee Makka, sida laga soo xigtay saraakiisha qaabilsan howlaha Xajka. Hoosiiskan ‘Daladda – Umbrella’, waxay dabooli doontaan fogaan isku wareeg ah oo ...

Read More »

Muslim faqiir ah oo si yaab leh kaga mid noqday Xujeyda sanadkan.

Ankara (Himilonews) – Oday ku nool tuulo kamid ah dalka Ghana kaas oo mid kamid ah shaqaalaha fogaan-aragga Turkish TV su’aalay ‘haddii diyaarad-yar uu ku geyn karo magaalada Makkah’ ayaa riyadiisa rumowday kadib markii sheekadiisu ku baahday baraha bulshada. “Waxaa ku mahadsan Alle, waana u duceynayaa qof walba oo arrintan qeyb ku lahaa suura-galinteeda,” al-Hassan Abdullahi ayaa u sheegay Anadolu ...

Read More »

Shaqooyin horseeday dhimashada Muslimiin badan.

Doha (Himilonews) – Imaatinkii Donald Trump dhulka Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo heshiiskii hubka ee qiima ahaan ku kacayay 460 billion oo dollar, waxa hubanti ah iney shaqo abuur u noqdeen kumanaan reer Mareykan ah dhawrka sano ee soo socota. Kaliya Mareykanka ma aha dawladda heshiis hub ku kacaya boqollaal milyan oo dollar la gaartay Boqortooyada Sucuudiga iyo dawladaha Carabta balse ...

Read More »

Taageere Liverpool: ‘Mo Salah wuu i muslimin doonaa’

Liverpool (Himilonews) – Taageere Liverpool ah ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay in saxiixa cusub ee naadiga, Mohamed Salah uu yahay laacib iyo shaqsiyad weyn kaas oo isaga muslimin doona. ‘Wuxuu iga dhigi doonaa Muslim,” taageere Carson Coffied, ayaa kusoo warceliyay qoraal barta kooxda lagu daabacay. Qoraal waxaa loo dhigay in loogu dabaal-dego goolka laacibka reer Masar uu ka dhaliyay Bayern ...

Read More »

Nin weeraray Taallada Ataturk kuna sheegay Sanam diinteennu diiday!

Istanbul (Himilonews) – Nin kamid ah dadka degmada Siverek ee dhacda koofur-bari dalka Turkiga ayaa weeraray taallada Ataturk – isaga oo yiri; ‘Sanam caabudku boos kuma lahan Islaamka,’ sida ay soo warisay Dogan News Agency. Ninka oo lagu sheegay Mehmet Malbora ayaa ku dulbooday taallada Ataturk ee ku taalla fagaaraha Siverek’s Cumhuriyet Square isaga oo burus la dhacaya. “Kuma jirto sanam ...

Read More »

Laacib Muslim ah oo kooxdiisa kaga tagaya astaanteeda Macatabka

Muqdisho (Himilonews) – Ku biirista kooxda Macedonian-ka laba toddobaad kahor, laacibka Muslimka u dhashay dalka Albania, Florent Osmani ayaa go’aansaday inuu isaga tago Skopje – isaga oo yiri lama istaagi karo astaanta macatabka. “Astaanta kooxda ayaa leh macatab oo aan mar walba isku dayay inaad qariyo, waxaana taasi u sameynayay sababo caqiido,” ayuu Osmani u sheegay World Bulletin. “Sidaas la ...

Read More »

Erdogan oo ka hadlay xayiraadda rabshadaha leh ee Yuhuuddu saartay al-Qudus

Qudus, Falastiin (Himilonews) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka hadlay xiisad maalmihii lasoo dhaafay ka taagneed magaalada Qudus gaar ahaan Masjidka Barakeysan ee al-Aqsaa oo bannaankiisa ka dhaceen rabshado dad lagu dilay. Erdogan ayaa ku eedeeyay maamulka Isra’il in ay xadgudbeen sidoo kale adeegsadeen awood xad dhaaf ah, kadib isku dhicii banaanka Masjidka ku dhax maray Dad Falastiiniyiin ah ...

Read More »

Baroordiiq loo sameeyey Muslimad lagu dilay Texas

Dallas (Himilonews) – Tiro badan oo isugu jira ardayda Jaamacadda Texas iyo xubnaha katirsan bulshada Muslimiinta ayaa isugu yimid baroordiiq loo sameynayay Nabra Hassanen oo la dilay habeen iyada oo kasoo socta Masjid ay salaad kusoo tukatay. “Ma ahayn gefkaada inaad wadadaa ku jirto; waa innaga kuwa ku dhacay inay bulshada is xushmayn waydo, is jecel kuwaas oo isku taagi kara ...

Read More »

Muslimiinta LA oo Dib-jirta kaalmaynaya!

Muqdisho (Himilonews) – Joogtayna dhaqanka 20-jirsaday ee caawinta dibjirta, boqollaal Muslimiin Los Angeles ayaa isugu yimid kaalmaynta dadka danyarta iyaga oo u qeybiyay cuntooyin bisil. “Waxaan nahay Muslimiin, American, Angelenos, tusaale wanaagsan ayaan u nahay diinteenna Islaamka,” Umar Hakim, oo ah hoggaanka ILM Foundation ayaa yiri. Maalinta Caalamiga ee Aadannimada 18-ka June ayaa lagu beegay waxaana loogu tala-galay gargaarista danyarta magaalada. Dhar, cunto, ...

Read More »

Koox ku dabaal-degaysa sawir muujinaya dulqaadka diimeed ee Induniisiya.

Jakarta (Himilonews) – Sawir muujinaya saddex ciyaartoy Balinese ah gudaha dalka Indonesia ayaa ku baahay baraha bulshada – wuxuuna noqday astaan lagu muujinayo dulqaadka diimeed ee ka dhaxeeya Muslimiinta, Hinduuga iyo Kirishtanka. Kan sare jooga Ngurah Nanak waa Hinduu; midka jilbaha ku taagan Yabes Roni  waa Masiixi; halka midka suxuudsan oo lagu magacaabo Miftahul Hamdi uu yahay Muslim. Waxay u dabaal-degayeen ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!