crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Koox ku dabaal-degaysa sawir muujinaya dulqaadka diimeed ee Induniisiya. | HimiloNetwork

Koox ku dabaal-degaysa sawir muujinaya dulqaadka diimeed ee Induniisiya.

Jakarta (Himilonews) – Sawir muujinaya saddex ciyaartoy Balinese ah gudaha dalka Indonesia ayaa ku baahay baraha bulshada – wuxuuna noqday astaan lagu muujinayo dulqaadka diimeed ee ka dhaxeeya Muslimiinta, Hinduuga iyo Kirishtanka.
Kan sare jooga Ngurah Nanak waa Hinduu; midka jilbaha ku taagan Yabes Roni  waa Masiixi; halka midka suxuudsan oo lagu magacaabo Miftahul Hamdi uu yahay Muslim. Waxay u dabaal-degayeen gool ay ka dhaliyeen naadiga Borneo FC.
Isla bandhigista fal cibaado si xushmad leh, waxay sameeyeen dhawaaq siyaasadeed aamusan kaas oo dunida wada aragtay.
“Waayo kala diin ahaanshuhu makeenayo ku guuleysiga hadaf kaliya,” ayuu yiri kabtanka kooxda.
Dabaal-degga Bali United ayaa loo asteeyey in lagu muujiyo in kaliya xubnaha kooxdu aysan wada shaqeynin, balse ay noqon karaan saaxiibo dhow.
“In kasta oo aan kala diin ku nimid, hadana waxaan nahay mid kaliya,” Yabes Roni ayaa u sheegay Kompas.
“Waa inaan ilaalinnaa xasilloonida iyo midnimada dalkeenna.”
Induniisiya waa dalka ugu Muslimiinta badan dunida. 80% dadka gaaraya 220 malyuun waa Muslimiin.
 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!