Warsaw (Himilonetwork) – Buur-fuule u dhashay dalka Poland ayaa – kaddib fuulista buur dalxiiseedka dalkiisa – wuxuu dusheeda ugu tagay bisad yar oo ku sugaysa. Wojciech Jabczynski ayaa rumeysan waayay indhihiisa markii 2,500 mitir oo uu dhulka uga yimid kaddib uu buurta ku arkay mukulaal yar oo dhakada joogta. Qofna ma oga qaabka ay bisadani ku gaartay halka ugu sarreysa ...
Read More »La-yaabka
Nin Xabaal iskiis iskugu aasay si uu mar kale usoo noolaado isaga oo Ilaah ah!
Delhi (Himilonetwork) – Nin ayaa dhawaan laga soo saaray xabaal uu muddo sideed saacadood ah uu ku duugnaa – isaga oo doonay inuu dib usoo noolaado si uu u noqdo Ilaah ‘God’. Deeraj Kharol, kaas oo muddo badan ku nool macbad lagu magacaabo Karocho ka Kheda ayaan dhawaan ku dhawaaqay inuu go’aansaday nolosha in lagu aaso si uu usoo baxo saddex ...
Read More »Nin gubay Gabar uu adeer u yahay kaddib markii ay dhulka ku kaadisay!
Muqdisho (Himilonetwork) – Nin ayaa fal arxan-darro ah kula kacay gabar laba sano jir ah kaddib markii ay dhulka ku kaadisay. Ninkan oo ku nool gobalka Akamkpa, dalka Nigeria waxaa xiray booliska kaddib markii lagu soo Bacay cabaadka ka baxay inanta yar. Marka loo eego booliska, ninkan ayaa gabadha u ahaa adeer. Waxaana looga tagay inay la joogto. Gabadhan oo ...
Read More »Libaaxyo nolosha ku cunay Ugaarsadayaal rabay inay dishaan Wiyil
Pretoria (Himilonetwork) – Dalxiisayaal u baxay inay soo arkaan duurjoog ayaa la argagaxay aragtida haraadiga meydad dadeed oo ay ku xoonsan yihiin raxan libaaxyo ah. Kooxda dalxiisayaal ah oo ku socda goobta safari ayaa u yeeray booliska la dagaallama ugaarsiga si ay u ogeysiiyaan dhacdada. Nick Fox, oo ah milkiilaha safaariga Koofur Afrika ayaa sheegay in qeylo dhaan uu saakay maqlay ...
Read More »Saaluun dhaleeceyn kala kulmay ficil halis ah oo uu ku sameeyey noole Quraanjo!
Moscow (Himilonetwork) – Burkiyeer ku yaalla caasimadda dalka Ruushka ayaa lagu tilmaamay mid arxanlaawe ah kaddib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal halis ku ah nolosha quraanjo ku dhex jirta caagado ku lingaxan ciddiyaha faraha. Nail Sunny oo ah burkiyeer shacbiyad ku leh baraha bulshada ayaa la kulmay canbaareyn kaddib markii ay soo dhigeen bartooda – sawir iyo muuqaal muujinaya ...
Read More »Nin Cirweyn oo laga diiday inuu wax ka cuno Maqaayad kaddib 100 saxan oo uu ka kacay!
Muqdisho (Himilonetwork) – Jaroslav Bobrowski, oo ah da’yar ku nool Jarmalka ayaa laga mamnuucay maqaaayd la yiraahdo ‘an-all-you-can-eat sushi restaurant’ kaddib markii uu cunay 10 saxan oo cunto ah – xaalad milkiilaha maqaayadda uu u arkay mid aan caadi aheyn una fiicneyn ganacsigiisa. Bobrowski waa injeer ku gaaroobay software-ga iyo jirdhise wuxuuna ku jiraa hab cunna-qaadasho goonni ah oo ah inuusan ...
Read More »Nin si yaab leh gadaal iyo horayba ugu socon kara lugihiisa!
Muqdisho (Himilonetwork) – Moses Lanham, oo ah 57 jir ku nool Michigan, ayaa awoodi kara inuu xaglihiisa u kala weeciyo laba jiho. Waxaana loo yaqaan Mr. Plastic. Markii uu ahaa 14-jir ayuu daah rogay mucjisaddan cajiibka ah – isaga oo ku jira tababbar jiim ayuu ku dhacay dhulka wuxuuna is mooday inuu nitaaqmay, balse wuxuu ogaaday inuu caadi ku yahay xaaladda cusub ...
Read More »Nin caadeystay jirdilka eeyaha si uu lacag uga helo!
Muqdisho (Himilonetwork) – Qeyla-dhaan ayaa laga muujinayaa nin caadeystay inuu cadaabo noole aan iska difaaci karin si uu lacag uga helo qolyaha jecel xanaanada noolaha. Muuqaal fiidiyow ah oo ku baahay baraha bulshada, nin aan wadan wax shaati ah oo ku sugan Jilin ee Shiinaha waxaa la arkayaa isaga oo ul si xoog leh ugu dhifanaya ey labada lugood ka xiran. ...
Read More »Nin – si uu u raali-geliyo Gacalisadiisa – sameeyey Fal-cajiib ah!
Delhi (Himilonetwork) – Ganacsade da’yar oo raba inuu dib u hantiyo gacalisadiisa kaga maqan caro awgeed ayaa boorar ku dhow 300 oo lagu qoray iga raali noqo wuxuu ku safay waddooyinka magaalada si ay u ogaato inuu u hanqal-taagayo cafiskeeda. Macadda waxa kala dhex maray labadooda, balse 25 jirka lagu magacaabo Nilesh Khedekar wuxuu si kal iyo laab ah u muujiyay ...
Read More »Shirkad si la yaab leh ku tijaabinaysa heerka nadaafaddeeda!
China (Himilonetwork) – Muuqaal fiidiyow oo aad ugu baahay baraha bulshada Shiinaha ayaa sababay in la isku maan-dhaafo. Muuqaalka ayaa muujinaya maareeye shirkad oo bariis loo ekeysiiyay kubbad ku ridaya meesha lagu kaadiyo. Kadibna waxay ku wada qoynaysaa kaadida kahor inta aysan cunin bariiskii lagu qooyay kaadida. Marka ay cunto, waxay sidoo kale shaqaalaha amraysaa inay cunaan bariiska. Sidaas ayayna ...
Read More »