crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shiinaha – Maqaayadaha qaar oo cunnooyinka ku iidaama maandooriyaha opium-ka. | HimiloNetwork

Shiinaha – Maqaayadaha qaar oo cunnooyinka ku iidaama maandooriyaha opium-ka.

BEJING (HN) — Dagaalkii uu Shiinuhu kaga adkaaday la-dagaalanka maandooriyaha qarnigii 19aad, ee la magac baxay Opium War wuxuu ahaa guul taariikhi ah. In badan cabsi kama qabo Shiinuhu inuu dagaal u galo mar labaad si uu kaga taqaluso ciribtirkiisa. Waayo majiro dal usoo dhoofiya ama ku sandulleeya qaadashada opium-ka.

Laakiin hadda waxaa jira walaac gudaha ah siiba maqaayadaha oo weji kale u yeelaya maandooriye si dalka oo dhan looga cirib-tiro nafta looga qaaday kumaankun qofood.

Taniyo sannadkii 2014-ka, maqaayado ku yaal Shiinaha waxaa laga soo weriyay inay cunnooyinka ay kariyaan macmiisha ugu daraan maandooriyaha geedka opium-ka si dhadhan ahaan ay dadka maskaxda uga degto – kaddibna ay hadiyo jeer usoo tiigsadaan.

Toddobaadkii tagay, si kastaba, mid maqaayadahaas kamid ah ayaa lagu helay iyada oo cunnadeeda lagu iidaamay tiro yar oo kamid ah geedka opium-ka. Milkiilaha maqaaxida ayaa sheegay inuu qof ahaan u beertay geedka opium-ka si uu macmiisha timaada maqaaxidiisa ugu iidaamo cunnooyinka ay kariyaan. Waayo sida uu yiri, “waxaan rabay inay hadiyo jeer soo tiigsadaan maqaayadda.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!