HomeWararkaTartanka Qodista Qubuuraha iyo Ujeeddada loo qabto Sannad kasta!

Tartanka Qodista Qubuuraha iyo Ujeeddada loo qabto Sannad kasta!

MUQDISHO (HN) – Sannad kasta, qodayaasha qabuuraha ama xabaalaha oo dalal kala duwan ka socda ayaa isugu yimaada dalka Hangari si ay uga qeyb-galaan Tartanka Caalamiga ah ee Qodista Qabuuraha oo ah mid lagu muujiyo xirfadda iyo kartida dadka ka shaqeeya qodista xabaalaha.

Tartankan ayaa si joogto ah loo qabanayay tan iyo sannadkii 2016, marka laga reebo sannadihii 2020 iyo 2021, waxaana soo qaban-qaabiya Ururka Maareeyayaasha iyo Hawl-wadeennada Qabuuraha ee Dalka Hangari.

Koox kasta waxay ka kooban tahay laba qof, waxaana looga baahan yahay inay muddo laba saacadood gudahood ah ku qodaan qabri cabbirkiisu yahay: Dherer: 2 mitir; Ballac: 80 sentimitir; misana Qoto-dheer: 1.6 mitir.

Marka ay qabriga qodaan, waa inay dib ugu celiyaan qiyaastii 2.5 tan oo ciid ah, iyaga oo sameynaya taallo ciid nadiif ah oo u eg sida qabri loo diyaariyay aas.

In kasta oo howshani ay u muuqan karto mid sahlan, haddana garsoorayaashu waxay tartamayaasha ku qiimeeyaan xawaaraha, saxnaanta iyo bilicda shaqada.

Tartankii siddeedaad oo caalami ah ayaa la qabtay lixdii Sebtembar, waxaana tartamayaasha lagu qiimeeyay nidaam 10 dhibcood ah oo lagu saleynayay ama laga fiirinayay dhinacyada xawaaraha, quruxda shaqada iyo sida toolmoon oo loo fuliyay.

Kooxda reer Hangari ee Parakletosz Nonprofit Kft ayaa ku guuleysatay kaalinta koowaad sannadkii labaad oo xiriir ah, iyaga oo hawsha ku dhammeeyay hal saac, 33 daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi.

War-saxaafadeed uu soo saaray MTFE ayaa lagu sheegay: “László Kiss iyo Robert Nagy ayaa ku guuleystay tartanka iyaga oo ku dhammeeyay 1 saac, 33 daqiiqo iyo 20 ilbiriqsi, waxayna difaacdeen horyaalnimadii ay heleen sannadkii hore. Guushooda waxay ku tilmaameen waayo-aragnimada ay maalin kasta ka helaan shaqadooda, iyaga oo aan samayn tababar gaar ah oo ay ugu diyaargaroobayeen ka qeyb-galka tartankan.”

Ruushka waxaa tartanka sannadkan ku matalayay shaqaale ka socda Xarunta Gubista Meydadka ee Novosibirsk, balse waxay galeen kaalinta ugu dambeysa. Guuldarradooda waxay sabab uga dhigeen cimilada oo aad u kululeyd taas oo saameysay wax-qabadkooda.

Qaban-qaabiyeyaasha tartankan ayaa sheegay in ujeeddadiisu tahay in kor loo qaado qiimaha iyo sumcadda xirfadda qodista qabuuraha, dhalinyaradana lagu dhiirri-geliyo inay bartaan shaqadan. Waxay sidoo kale doonayaan in la muujiyo in shaqadani aysan u baahnayn oo keliya awood jireed, balse ay sidoo kale u baahan tahay dulqaad, adkaysi iyo xoog maskaxeed.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments