HomeDunida Muslimka"Noo nadiifi Macbadkeenna." - Nin Muslim ah oo gef yar oo uu...

“Noo nadiifi Macbadkeenna.” – Nin Muslim ah oo gef yar oo uu sameeyey ku mudanaya ciqaab lala yaabay!

MUQDISHO (HN) – Maxkamad ku taalla degmada Purba Bardhaman ee gobolka West Bengal ee dalka Hindiya ayaa damiin shuruudo wata ku sii daysay Babulal Sheikh, oo ah nin Muslim ah, oo loo xiray eedeyn la xiriirta inuu dhaawacay dareenka diimeed ee dadka Hinduuga.

Sida lagu sheegay warbixinta, falku wuxuu ka dhacay magaalada Kalna, laba maalmood kaddib dabaal-degga Ulto Rath Yatra. Babulal Sheikh, oo deggan deegaanka Samudragarh, ayaa lagu eedeeyay in isaga oo kabo wata fuulay gaari-diimeedka (Rath), isla markaana uu halkaas ka duubay muuqaal uu ku baahiyay bartiisa Facebook.

Muuqaalka ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, waxaana cabasho ka gudbiyay xubno katirsan ururka Paschim Nasaratpur Harekrishna Namhatta Sangha, oo sheegtay in falkaasi uu meel kaga dhacay xurmada goob diimeed.

Booliska Nadanghat ayaa xiray Babulal Sheikh, waxaana lagu soo oogay dacwad ku saleysan qodobo kamida Xeerka Bharatiya Nyaya Sanhita (BNS) oo la xiriira hurinta naceybka u dhexeeya bulshada iyo falal si ula kac ah loogu dhaawacayo dareenka diimeed.

Markii la horgeeyay Maxkamadda Garsooraha Sare ee Kalna, waxay siisay damiin, balse waxay ku xirtay shuruudo dhowr ah.

Mid kamid ah shuruudaha ayaa ah in Babulal Sheikh uu maalin kasta nadiifiyo barxadda macbudka Hinduuga iyo waddada ku dhow, ilaa laga soo gabagabeynayo baaritaanka kiiska. Sidoo kale waxaa lagu amray inuu toddobaadkii hal mar iska xaadiriyo sarkaalka baaritaanka wada, isla markaana uu si buuxda ula shaqeeyo ciidamada booliska.

Warar hore ayaa sheegayay in lagu amray inuu toddobaad dhan dhaqo jaranjarooyinka gaari-diimeedka (Rath), balse diiwaannada maxkamadda ayaa caddeeyay in amarku uu yahay nadiifinta guud ee deegaanka macbudka iyo waddada ku dhow.

Dhageysiga dacwadda intii uu socday, qareenka difaacaya Babulal Sheikh ayaa ku dooday in boolisku aysan raacin habraacii sharciga ahaa oo looga baahnaa kahor inta aan la xirin, maadaama eedeyntu aysan ahayn mid ciqaabteedu aad u culus tahay.

Difaaca ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadan aysan dhalin wax rabshado ama isku dhac bulsho ah, isla markaana Babulal Sheikh uusan lahayn ujeeddo uu ku aflagaadeeyo ama ku caayo diin kasta.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta xilli loo waday maxkamadda, Babulal Sheikh ayaa raalli-gelin bixiyay, isagoo yiri: Ma aanan ogeyn in aanan kabaha ku fuuli karin gaari-diimeedka. Aad ayaan uga xumahay qaladkayga, mar dambena ma dhici doonto.”

Wuxuu hadalkaas sheegay isaga oo gacmaha isqabsaday, halka dadka deegaanka ay sheegeen inuu sidoo kale dhegaha qabsaday taas oo dhaqanka Hindiya marka la joogo kamid ah calaamadaha muujinaya qoomamo iyo raalli-gelin.

Shuruudaha damiinka ee maxkamaddu soo rogtay ayaa dood ka dhaliyay deegaanka, iyada oo dadka qaar ay su’aal geliyeen sababta nin Muslim ah loogu amray inuu nadiifiyo xarun cibaado oo Hindu ah. Sarkaal sare oo katirsan booliska ayaa sheegay in maamulka uu hubin doono fulinta amarka maxkamadda, isla markaana la ilaalin doono amniga si looga hortago xiisad hor leh.

RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments