crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Buurfuulihii Buurta ugu tagay Bisad ku nool! | HimiloNetwork

Buurfuulihii Buurta ugu tagay Bisad ku nool!

Warsaw (Himilonetwork) – Buur-fuule u dhashay dalka Poland ayaa – kaddib fuulista buur dalxiiseedka dalkiisa – wuxuu dusheeda ugu tagay bisad yar oo ku sugaysa. 
Wojciech Jabczynski ayaa rumeysan waayay indhihiisa markii 2,500 mitir oo uu dhulka uga yimid kaddib uu buurta ku arkay mukulaal yar oo dhakada joogta. Qofna ma oga qaabka ay bisadani ku gaartay halka ugu sarreysa buurtan. Balse Jabczynski ayaa rumeysan in taagagga isku dhowdhow ee buurta ay hadba in kusoo gaartay ilaa ugu danbeyn ay ka timid dhakada sare. 
Si loo rumeysto sheekadiisa, wuxuu bisadani kasoo qaaday sawirro iyo muuqaal fiidiyow ah oo aad u kooban. 
Wuxuu sheegay in bisaddu aysan u muuqan mid walwal iyo cabsi ka qabta halka ay ku sugan tahay sida qabowga. Xittaa, ayuu yiri, kama cabsan aragtida dadka.
“Markii ay i aragtayba way igu soo dhawaatay,” ayuu yiri. 
Sawirrada uu kasoo qaaday bisadda ayaa ku baahay baraha bulshada halkaas oo dad badan ay ku tilmaameen mid halis ku ah. Balse qaar kale ayaan ka muujin wax dareen ah. 

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!