‘Carruurta Tanzania oo ugu caafimaad badan adduunka oo dhan’
Posted by: Himilo
in Sahanka
September 24, 2018
601 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Dalka Tanzania ayay ku nool yihiin carruurta ugu caafimaad badan adduunka oo dhan sida ay ogaadeen saynisyahanno reer Australia ah.
Baaritaan ayaa lagu sameeyay 1.1 milyan oo carruur ah oo da’doodu ay u dhaxayso 9 ilaa iyo 17 sano oo kala jooga 50 waddan.
Carruurta ka qeyb qaadatay daraasaddan ayaa lagu xujeeyay inay jimicsadaan labaatan mitir si loo qiimeeyo fayo qabka jirkooda.
Grant Tomkinson oo ka mid ah dadkii hogaaminayay cilmi-baareyaasha jaamacadda University of South Australia ayaa barnaamijka BBC-da ee Newsday u sheegay in sababta ay caruurta Tanzania kaalinta hore u galeen ay tahay inay ka jimicsi badan yihiin carruurta ay isku d’ada yihiin.
Carruurta Tanzania ee kaalinta koobaad galay waxaa ku soo xiga carruurta dalalka Iceland, Estonia, Norway iyo Japan.
Caruurta dalka Maraykanka ayaa ka mid noqday kuwa kaalmaha ugu hooseeya ku jira.
Related
2018-09-24
You must log in to post a comment.