crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Baroordiiq loo sameeyey Muslimad lagu dilay Texas | HimiloNetwork

Baroordiiq loo sameeyey Muslimad lagu dilay Texas

Dallas (Himilonews) – Tiro badan oo isugu jira ardayda Jaamacadda Texas iyo xubnaha katirsan bulshada Muslimiinta ayaa isugu yimid baroordiiq loo sameynayay Nabra Hassanen oo la dilay habeen iyada oo kasoo socta Masjid ay salaad kusoo tukatay.
“Ma ahayn gefkaada inaad wadadaa ku jirto; waa innaga kuwa ku dhacay inay bulshada is xushmayn waydo, is jecel kuwaas oo isku taagi kara inay xididada u siibaan rabshadaha,” ayuu yiri Omar Suleiman, helaha iyo madax-weynaha Machadka Yaqeen Institute for Islamic Research isaga oo ku sugan madasha.
Nabra Hassanen, oo 17-jir ah waxaa la dilay xilli ay ka tagtay masjidka All Dulles Area Muslim Society mosque. Imaamka ayaa farriin tiiraanyo leh u diray qoyska iyo ehellada marxuumka.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!