MUQDISHO (HN) — Baqaar lagu iibiyo miro-magaalka ama khudaarta oo ku yaalla magaalada Barcelona ee dalka Spain ayaa milkiilaheeda wuxuu sameeyey fal aan loola yaabay kaddib markii uu lacag ka dhigay marka macmiishu ay gudaha usoo galayaan si ay u arkaan waxa meesha lagu iibinayo. Iridda hore ee baqaarka ayaa la dhigay boor lagu qoray lacag dhan 5 euro fee ...
Read More »Author Archives: Himilo
Nin deriskiisa ku dhibi jiray dhawaq jugta culus ee muusiga oo xabsiga la dhigay!
MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay dalka Spain oo ku nool magaalada Barcelona ayaa lagu riday xukun hal sano oo xabsi ah kaddib markii la sheegay inuu muddo shan sannadood ah jaarkiisa ku dhibayay dhawaqa muusig aad u dheer oo uu shidan jiray marwalba – habeen iyo dharaar. Dhib iyo dheeraad ayay ku qabeen dhaqankiisa waalidda ah maadaama uu dheerayn ...
Read More »Masjidka soo dhaweyn u sameynaya carruur qabta xanuunka autism-ka.
MUQDISHO (HN) — Imaamka Masjidka Birmingham ayaa albaabada u furaya waalidiinta iyo caruurta ay dhaleen ee ku dhashay xanuunka autism-ka markii ugu horreysay si loo abuuro jawi is dhexgal iyo isku milan oo dhex mara ubadka Muslimiinta ah iyo waalidiintooda. Tallaabtan ayaa hooyooyin badan oo ilmahooda la xanuunsan yihiin autism-ka waxay ka keentay ilmo farxadeed. Imam Mohammad Asad, oo isku imaatinkii ...
Read More »Heesaagii hore ee Nigeria oo ka sheekeynaya Islaamnimadiisa.
MUQDISHO (HN) — Abdulrasheed Bello, oo ahaa soo saare filim iyo heesaa ayaa xusay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay maalintii uu qaatay diinta Islaamka – isaga oo sheegay inuu helay micnaha dhabta ah ee nolosha iyo xiriirkii uu weligiis jeclaa inuu Ilaahaygii abuurtay la sameysto. JJC Skillz, oo hadda la baxay Bello wuxuu ka warramay sida walaalkiis uu kaga caawiyay ...
Read More »Dal walaac ka muujinaya ardaydiisa oo xafaayado ku imaanayaa dugsiyada.
MUQDISHO (HN) — Macalimiinta Switzerland ayaa laga soo warinayaa inay ku dhib qabaan carruur yaryar oo ilaa da’da 11 jirka gaaray kuwaas oo iskuullada ku yimaada – iyaga oo xafaayaddu ugu jirto oo aan laga soo bixin. Waayo weligoodba lama barin inay kortagga ama musqusha aadaan si ay isku soo nadiifiyaan ama saxarada ay iskaga dhaqaan. Dalka Switzerland carruurta qaar waxay wax-barashada ...
Read More »Gabar 13 jir ah oo $63,000 ku bixisay cayaarta fiidiyow-game-ka.
MUQDISHO (HN) — Waalidiin Shiinaha u dhashay ayay fajaciso ku noqotay markii ay ogaadeen in gabadhooda 13 jirka ah ay adduun dhan 449,500 yuan ($63,000) ku bixisay cayaarta fiidiyow-game-ka. Mar qura ayay ka war heleen koontadii ay lacagta ku dhuran jireen oo faaruq ah – kaliya nus doolar ayaa loogu tagay. Haweeneydan iyo seygeeda waxay gu’yaal badan lacag ku keydsan ...
Read More »Shirkad lagu dhaleeceeyey fal baalmarsan xeerka shaqaalaha.
MUQDISHO (HN) — Shirkad tiknoolojiyadda ka shaqeysay oo Hindiya ku taal ayaa dhawaan sameysay fal hadalheyn aad u badan ka dhex dhaliyay dadweynaha kaddib markii mid kamid ah maareeyayaasheeda uu faray in shaqaalaha xarunta aysan ka tagi karin amar la’aantiisa – waxaana albaabka laga baxo la arkayaa silsilad ku xiran. Muuqaalka waardiyaha oo qunful ku jebinaya ganjeelka weyn ayaa ku ...
Read More »Masjid loo dhibaateeyey ‘Islaam-naceyb’ oo dib loo dayactirayo!
MUQDISHO (HN) — Tallaab garab istaag iyo gacaltooyo leh ayay ku timid in adduun dhan $10,000 loo ururiyo in lagu dayactiro Masjidka New Mexico kaas oo dhowr jeer lagu soo qaaday weerar – ugu dambeyntiina lagu qasbay in albaabada la iskugu dhifto. Dad naceyb u qaba Islaamka iyo Muslimiinta ayaa dhowr jeer gudaha usoo galay Masjidka iyaga oo burburiyay wax ...
Read More »Haweeney 81 jir ah oo xabsi u galaysa ‘qorshe dil’ oo ay qeyb ka ahayd fulintiisa.
MUQDISHO (HN) — Haweeney 81 jir ah oo la sheegay inay xiriir hoose la lahayd dilayaasha Krasnodar ayaa loo xiray fal ah inay amartay dilka sarkaal dambi-baare ah. Lyudmila Ryabykh ma ahan abooto caadi ah. Kaliya xiriir lama lahan dilayaasha ee waxay sidoo kale madaxiisa duldhigtay dilka sarkaal dambi-baare ahaa oo hadda kahor ay sharciga isku qabteen. Dhawaan waxaa dhacday in ...
Read More »Sheekada Aabbihii muddo 22 sano baadigoobayay wiilkiisa oo laga xaday!
MUQDISHO (HN) — Aabbe Shiinees oo 22 kii sano ee lasoo dhaafay dadaal ugu jiray sidii uu dib ugu heli lahaa inankiisa laga afduubtay ayaa ugu dambeyntii ka helay meel degmadiisa u jirta 900 km ama 560 meyl. Sannadkii 20021, Lei Wuze wuxuu ka tagay gurigiisa isaga oo aan ogeyn inay tani noqon doonto markii ugu dambeysay oo uu arko wiilkiisa. ...
Read More »
HimiloNetwork Han & Horseed