crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Baqaar khudaar oo lacag ka dhigaya in la galo gudihiisa si loo soo arko waxa dhex yaalla. | HimiloNetwork

Baqaar khudaar oo lacag ka dhigaya in la galo gudihiisa si loo soo arko waxa dhex yaalla.

MUQDISHO (HN) — Baqaar lagu iibiyo miro-magaalka ama khudaarta oo ku yaalla magaalada Barcelona ee dalka Spain ayaa milkiilaheeda wuxuu sameeyey fal aan loola yaabay kaddib markii uu lacag ka dhigay marka macmiishu ay gudaha usoo galayaan si ay u arkaan waxa meesha lagu iibinayo.

Iridda hore ee baqaarka ayaa la dhigay boor lagu qoray lacag dhan 5 euro fee ($5.6) oo ah qiimaha lagu geli karo gudihiisa. Sababtu waa in badi dadkan oo u badan dalxiisayaal ay halkan u yimaadaan kaliya si ay u daawadaan agabyada iyo alaabaha qaarkood qadiimiga ah ee yaalla kadibna way iska baxaan iyaga oo aan xattaa mararka qaar salaamin dadka mas’uulka ka ah baqaarka.

Sidaas darteed ayuu mulkiilaha baqaarkanu go’aansaday inuu lacag ka dhigo gelitaankeeda, maadaama dalxiisayaashu ay sawirro iskaga dhex qaadaan ama ayba sawirtan agabyada meesha yaalla.

Aad baa loogu kala aragti duwanaaday laakiin waxay u muuqataa aragti dhaqaale uu ku faa’iiday mulkiilaha maadaama hadda qof walba oo soo booqanaya uu ku qasban yahay inuu jeebka gacanta geliyo si uu gudaheeda usoo arko.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!