MUQDISHO (HN) – Qeyb kamid ah Barnaamijka Qur’an aqriska Al-Azhar, ku dhawaad 6,251 oo arday ah kana kala yimid gobollada dalka Masar ayaa hal kalfadhi ku wada aqriyay Qur’anka oo dhan. Waana dhacdo ay soo agaasimaan macaahidda al-Azhar. Ujeedka laga leeyahay Barnaamijkan ayaa ah in sare loo dhigo heerka aqooneed iyo si fiican u aqrinta Qur’anka kariimka ah, sida ay ...
Read More »Author Archives: Himilo
104 jir sannadkan kamid noqotay Xujeyda!
MUQDISHO (HN) — Haweeney 104 jir ah oo kasoo jeeda dalka Ciraaq ayaa Xajkii tagay ee sannadkan waxaa loo aqoonsaday xaajiga ugu da’da weyn ee kamid noqda xujeyda. Waxaana lagu magacaabaa Kazimiya Hatim. 33,000 oo xujey Ciraaqi ah ayay kamid ahayd haweeneydan, waxaana gegida caalamiga ah ee Prince Mohammed bin Abdulaziz si diirran ugu soo dhaweeyey xujey iyo mas’uuliyiin. Waxaana ...
Read More »Feeryahanka Jeff Monson oo qaatay Islaamka.
MUQDISHO (HN) — Feeryahanka iyo legdamaha u dhashay dalka Ruushka, Jeff Monson ayaa qaatay diinta Islaamka – isaga oo gudaha caasimadda Moskow ka dhex aqriyay kalmadda tawxiidka ama shahaadada. Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada aadna ugu baahay ayuu Moson ku dhawaaqayaa kalmadda tawxiidka. Feeryahankan miisaanka culus oo ah Ruushiyan Maraykan ah, wuxuu kasoo muuqday tartamo badan oo uu guulo weyn ...
Read More »Boqorka Doorashooyinka – nin weligii aan hal mar doorasho ku guuleysan!
MUQDISHO (HN) — K. Padmarajan waxaa loogu yeeraa Boqorka Doorashada iyo Guul-darreystaha ugu weyn taariikhda casriga ah ee tartamada doorashooyinka. Ku dhawaad 238 jeer oo uu ka qeybgalayay doorashooyin, mar kaliya ma guuleysan! Sheekada K. Padmarajan waa mid fiiro gaar ah u baahan. 65 jirkan dayac-tirka gaadiidka ku xeeldheer kana soo jeeda Gobalka Tamil Nadu ee dalka Hindiya, wuxuu 30-kii sannadood ...
Read More »Cayaaryahan la yiraahdo Osama Vinladen oo qabsaday hadalheynta Adduunka!
MUQDISHO (HN) — Osama Vinladen waa cayaaryahan 22 jir ah oo horyaalka heerka koowaad ee dalka Peru ka dheela. Wuxuuna qabsaday hadalheynta iyo caannimada kubadda cagta. Mana ahan inuu yahay laacib sida Ronaldo ama Messi ah. Sababtu waa magaca uu sito kaas oo macruuf ka ah dunida uu ku nool yahay. Osama Vinladen Jimenez Lopez wuxuu aad usoo shaac baxay ...
Read More »Qoyskii Tanaadnimada ka doorbiday inay Tuugsadaan!
MUQDISHO (HN) — Lammaane maalqabeen ah oo u dhashay Hindiya ayaa ku dhawaaqay in adduun wixii ay ka qabeen oo dhan lacag gaaraysa Rs 200 crore ugu deeqayaan hey’adaha samaflka iyo daryeelka – iyaga oo markaas kadib noqonaya kuwo ka saahida dhaldhalaalka adduunyada kuna tiirsanaanaya yabooha iyo kaalmada dadka kale si ay usii noolaadaan! Bhavesh Bhandari iyo afadiisa waxay hanti xooggan ...
Read More »81 jirka Dharka xayaysiisa
MUQDISHO (HN) — Wang Deshun waa 88 jir jilaa iyo xayaysiiye dhar oo caannimadu kusoo degtay sannadkii 2015 xilli uu ka qeybgalayay bandhig xayaysiis oo feeraha la qaawinayo! Wuxuu weli heystaa hadalheynta iyo indhaha dadweynaha Shiinaha. Wuxuu helaa qandaraasyada xayaysiiska nuuc kasta oo la rabo in ii dheh loo sameeyo. Dadkuna aad bay u jecel yihiin bandhig xayaysiineedkiisa dharka. Wuxuu ...
Read More »Carruurta Muslimiinta UK oo adduun dhan $132,000 u ururinaya walaalaha Falastiin iyo Yemen!
MUQDISHO (HN) — Carruurta Muslimiinta Britain waxay lacag dhan $132,000 ka ururiyeen mashruuca cunno karinta si ay u caawiyaan qoysaska Muslimiinta ah ee ku barakacay dalalka Falastiin iyo Yemen. Ol’olahan bani-aadanimada, oo loogu magac daray Ramadan Kids, waxaa markii ugu horreysay bariga London kasoo bilaabay Zaavier Khan muddo hadda laga joogo afar sano. Khan wuxuu markiisii ugu horreysay mashruuciisa bilaabay sannadkii 2021 si uu ...
Read More »Ukuntii ugu qaalisaneyd abid oo lagu kala iibsaday $2700.
MUQDISHO (HN) — Deeqsinimadu ma ahan arrin la xiriirta maalqabeennimada. Mana jirto tusaale kaga habboon sheekadan soo aadan. Hooyo Muslimad ah oo aad u qabowday ayaa u timid Guddi gacanta ku hayay dhismaha Masjid la rabay in laga dhiso deegaankeeda. Waxayna u dhiibtay xabbad ukun ah oo, sida ay tiri, ugu tala-gashay inay ku darsato dhismaha Masjidka. Qiimaha halkii xabbo ...
Read More »Muslim gaari gubanaya kasoo badbaadiyay darawalkii ku jiray!
MUQDISHO (HN) — Qalabka wax duuba ayaa qabtay muuqaalka Muslimiin samafalayaala ah oo gurmad degdeg ah la gaaraya qof ku dhex xirmay gaari gubanaya gudaha magaalada St. Paul, Minnesota. Muuqaalka oo aad u baahay wuxuu muujinayaa badbaadiyaasha oo ka dheereynaya waqtiga si halhaleel ah kaddib markii dabk uu si xooggan u wada qabsaday gaari uu ku dhex jiray qof. Kadir ...
Read More »
HimiloNetwork Han & Horseed