Austria oo qorsheynaysa in Iskuullada laga mamnuuco xirashada Xijaabka.
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
April 6, 2018
499 Views
Vienna (Himilonetwork) – Muslimiinta Austria ayaa canbaareeyey qorshe cusub oo ay ku dhawaaqday xukuumadda midigta cusub kaas oo la xiriira in gabdhaha ka yar da’da 10 jirka ah laga mamnuuco inay xijaab usoo xirtaan iskuullada.
“Hadafkeennu waa inaan u istaagno sababaha xadidi kara horumarka bulshadeenna ka jira. In gabdhaha laga mamnuuco xirashada xijaabkana waa qeyb kamid ah,” ayuu yiri Kurz.
Marka loo eego Kurz, sharciga cusub ee kahor-tagga carruurta wuxuu dhaqan-galayaa sannadka soo socda, marka loo eego wasiirka wax-barashada, waxaana qeyb ka noqon doona in dhaqanka Austria laga ilaaliyo saameynta kaga imaanaysa Islaamka.
Ku dhawaad 9 milyan oo ku nool Austria, 700,000 waa Muslimiin.
Dhaleeceymaha qaar ayaa ku doodaya in qorshaha kaliya lagu bartilmaameedsanayo Muslimiinta, soo-galootiga iyo qaxootiga dalkaas ku sugan.
Kol hore Austria waxay xeer adag dul dhigtay in xirashada xijaabka waqtiyada iyo meelaha qaar la iskugu ganaaxo.
Related
2018-04-06
You must log in to post a comment.