crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Afurka loogu yeeray Not Trump’s Iftar oo lagu hor qabanayo Aqalka Cad. | HimiloNetwork

Afurka loogu yeeray Not Trump’s Iftar oo lagu hor qabanayo Aqalka Cad.

Washington (Himilonetwork) – Ururka ugu weyn hoggaanka Muslimiinta Maraykanka ayaa isaga oo kaashanaya ururrada xuquuqaadka rayidka wuxuu qaban doonaa afur lagu magacaabay NOT Trump’s Iftar oo lagu dhaliilayo falalka naceybka ah oo madaxweynaha Maraykanka ku hayo Muslimiinta USA.
“Ururka wuxuu indhihiisa ku arkay falal xaqiraad iyo naceyb ah oo looga soo horjeedo Muslimiinta iyo xuquuqda dadka kale ee tira-yarta ah ee ku nool Maraykanka,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay ururka.
Afurka ayaa maalinta Arbacada ah waxaa lagu qaban doonaa fagaaraha afayette Square ee kasoo horjeeda Aqalka Cad ee looga taliyo dalweynaha Maraykanka si loo sagootiyo dhamaadka bisha barakaysane ee Ramadaan.
Trump ayaa sannadkii hore jabiyay xeerkii sannadlaha ahaa oo Ramadaanka walba afur Muslimiinta Maraykanka loogu sameyn jiray gudaha Aqalka Cad. Waana tallaab uu markeedii hore iska lahaa fikirkeeda madaxweyne Bill Clinton, waxaana markaas kaddib tallaabadiisa ku xigsaday dhammaanba madaxdii kale ee xafiiska uga kala danbeysay.
Saraakiisha Aqalka Cad ayaa si kastaba wada qorshe ay ku diyaarinayaan ka qeyb-galayaasha kamid noqon doona afurkan dhacaya maalinta Arbacada ah.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!