MUQDISHO (HN) — Haweeney Muslimad Turki ah ayaa dhameystiraysa shaqadii farshaxanka oo uu seygeeda ka waday Masjidka degmada Sogutlu kaddib markii uu xanuun kusoo booday uu la geeriyooday.
“Dhabtii aad baan u jeclaa shaqada seygayga, waxaana ogaaday inaan leeyahay hibada hal-jecleysi ee farshaxanka xilli uu shaqadiisa ka waday Masjidkan,” ayay tiri Cigdem Ak.
Haweeneydan 53-jirta ah ayaa dowladda hoose u balan-qaaday inaysan qabyo noqon doonin shaqadii seygeeda oo iyada ay gacanteeda ku dhammeystiri doonto.
Farshaxan-yaqaanka Mehmet Ak ayaa shaqadiisa kasoo qabtay dhowr masaajid oo ku kala yaalla dalka Turkiga, kahor inta uusan geeriyoonin sannadkii hore.
Hadda afadiisa ayaa ku taagan dhameystirka shaqadii ugu danbeysay oo uu qabasheeda ku tagay.

You must log in to post a comment.