HomeDunida MuslimkaMasjid Bangi Cunno u furaya Danyarta.

Masjid Bangi Cunno u furaya Danyarta.

BANBURY (HN) – Qoysaska danyarta ah ee ku nool magaalada Banbury ee dalka UK ayaa hadda kadib helaya ilo sugan oo ay isku haleyn karaan marka ay baahdaan – waayo Masjidka magaalada ayaa sameynaya Bangi lagu keydiyo cunnada.


“Waxaan rabnaa inaan in badan danyarta caawino, Masjidkuna wuxuu sameynayaa wax walba oo karaankiisa ah si uu hadafkaas u gaaro,” ayay tiri Yasmin Khaduji.

Khaduji ayaa hir-gelisay Mashruuc firinjiyeerrada lagu keydinayo cunnada bisil iyo kuwa ay kusoo deeqaan maqaayadaha iyo supermarket-yada. Inta badan adeeggani wuxuu qabsoomi doonaa toddobaadle siiba maalinta Sabtida ah maadaama Bangiyada kale ee cuntada aysan furneyn.

Qof walba oo baahi u qaba cunno uu qaato wuxuu xaq u leeyahay inuu soo booqdo Masjidka si uu Bangiga ugala baxo cunnooyinka uu reerkiisa iyo naftiisa ku haqabtiro.


Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments