MUQDISHO (HN) — Nin dukaanle ah oo ka soo jeeda magaalada Mosul ee waqooyiga Ciraaq ayaa macaamiishiisa ka yaabiyay kaddib markii uu gubay buugga liiska magacyada dadkii uu deynta ku lahaa ka hor inta aan la gaarin bisha barakeysan ee Ramadaan. Sharci-yaqaanka iyo milkiilaha dukaanka Moayad Al-Mozan ayaa ku daabacay bartiisa Facebook-ga – laba sawir oo laga qaaday xilli uu ...
Read More »Monthly Archives: March 2023
Sababta loo qoray Buugga Haldoorrada Haweenkeenna.
MUQDISHO (HN) — Dood kama jirto in haweenkeennu yihiin halbowlayaasha nolosheenna. Mar waa warshadihii aadmiga soo saarayay: mar kalana, waa macalimiintii ubadkeenna barayay anshaxa suuban, afka iyo hiddaha. Sidaas darteed, haddii aynu dooneyno inaan dunida raadeyno oo aan noqonno umad asaageeda wax la qeybsata, waa muhiim inaan ku baraarugno dumarkeenna kaalmada iyo kabka noo ah. Sannad kasta 8 March ayaa ...
Read More »Sida loo kala soomayo – waqti ahaan – dunida oo dhan.
MUQDISHO (HN) — Bilashada bisha Soonqaad Muslimiintu waxay usoo wada dhaweeyaan si isku mid ah. Laakiin isku waqti ma ahan – iyada oo loo fiirinayo deegaannada kala duwan oo ay ku kala nool yihiin. Waa iska caadi in qolana ay soonto in ka badan 20 saacadood kuwana wax ka yar mararka qaar 12 saacadood. Celceliska saacadaha ay soomayaan Muslimiinta adduunka ...
Read More »Bangi Cunto oo bisha Ramadan ‘quudinaya’ Danyarta.
MUQDISHO (HN) — Bisha Ramadan, malaayiin Muslimiin ah ayaa isu-taaga caawinta iyo kaalmeynta danyarta iyo dabi-jiifta – iyada oo aan loo eegeynin diintiisa, midabkiisa iyo deegaanka uu kasoo jeedo. Mid kamid ah samafalayaashaas waa Bangiga keydka cunnada ee Philadelphia oo bishan Soonqaad doonaya inay cunnooyin bisil gaarsiiyaan in ka badan 200 oo qof inta lagu jiro bisha. Waa qeyb kamid ...
Read More »Jidadka London oo laga dareemay bilashada bisha Soonqaad.
MUQDISHO (HN) — Markii koowaad waxaa gudaha caasimadda London ee UK si weyn loogu dabaal-degay bilashada bisha barakaysan ee Soonqaad, waxaana jidadka bartamaha London la suray boorar lagu xardhay ama lagu marriimay midabyada iyo astaamaha bilashada bisha. Bisha Soonqaad oo ah midda 9aad ee bilaha Muslimka ee Hijriyadda, waxay bilaabanaysaa maanta oo Khamiis ah, maadaama lagu arkay meelo badan oo ...
Read More »Qalabka Fogaan-shumiska oo hadda laga heli karo Shiinaha.
MUQDISHO (HN) — Shumiska ama dhunkashada fog waa aalad dhawaan aad looga iibsado suuqyada Shiinaha. Waxay adeegsadaha u sahlaysaa inuu fogaan ka dhunkan karo lammaanihiisa jaceylka ee meel aad ugu durugsan ama shisheysa ku nool. Waxaana la yiraahdaa Remote Kiss. Shumiska waa astaan naxariis iyo gacaltooyo ka tarjumaysa. Suubanaha wuxuu ahaa mid aad u dhunkada carruurta yaryar. Waa sunno ajarkeedu ...
Read More »Subxanallah: Aabbe gabadhiisa oo ka diiday inay daryeesho la koraya Maxkamad.
MUQDISHO (HN) — Aabbe u dhashay Shiinaha ayaa maxkamad la fuulaya inantiisa oo ka diiday inay daryeesho kaddib markii uu ku dhaawacmay shil gaari. Gabadhiisa oo dhigata jaamacaddana, waxay ku gacanseyrtay codsiga aabbaheed usoo jeediyay – iyada oo sheegtay inaysan hakad gelin karin wax-barashadeeda. Ninkan oo la yiraahdo Zhang wuxuu bilaabay inuu wicitaan iyo farriimaba u diro inantiisa in yar ...
Read More »Malabka Buluugga ee Shinnida Maraykanku sameyso
MUQDISHO (HN) — Dadka dhaqda Shinnida ee ku nool gobalka Waqooyiga Carolina ee dalka Maraykanka ayaa la-yaaban sida malabka ay dhasho Shinnida ay dhaqdaan uu ku noqday mid midabkiisu lafcir ama buluug xigeen yahay. Manka iyo ubaxa ay siyaarato shinnidu si ay malab uga sameyso waxaa la fahamsan yahay inaysan xad lahayn oo ugu yaraan ay booqato geed walba oo ...
Read More »Aston Villa oo xaflad afurin ah u sameynaysa Muslimiinta.
MUQDISHO (HN) — Naadiga Aston Villa ayaa kusoo biirtay kooxaha horyaalka EPL ee afur-wadareed u sameynaya maalin kamid ah maalmaha bisha Soonqaad Muslimiinta. Waxaana ay sheegtay in 5 bisha April ay xaflad afur ugu sameynayaan saaxiibadooda iyo howlwadeennadooda Muslimiinta ah gudaha garoonka Villa Park. Waxay kooxdu sheegtay inay barnaamijkeeda la kaashan doonto Ramadan Tent Project oo ah urur samafal oo ...
Read More »La kulan – Ninka ku noolaa cunista Qumbe muddo 28 sannadood ah.
MUQDISHO (HN) — Balakrishnan Palayi, oo ah nin Hindi ah oo ku nool Kasaragod wuxuu sheegtaa inuusan cunin wax aan ka ahayn geedka qunbaha la yiraahdo muddo 28 sannadood ah si uu isaga daaweeyo xanuunka laabjeexa ama gaaska. Way adag tahay qofku inuu wax kaliya cunidooda qabatimo, laakiin dad badan sida Palayi waxay geesta kale ee nolosha naga tusi karaan ...
Read More »