crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> February | 2017 | HimiloNetwork | Page 2

Monthly Archives: February 2017

Lakulan: Wadaadka aan hadlin taniyo sanadkii 1990

Khartoum (Himilonews) – In ka badan 25 sanadood, wadaadka Suudaaniga ah ee Sheikh Bashir Mohammed Bashir ayaa go’aansaday inuusan in badan sii hadlin waxaana taniyo markaas loogu yeeray wadaadka aamusan. Bashiir dadka wuxuu kula xiriiraa isaga oo warqad ku qoraya waxa u rabo inuu yiraahdo. Wuxuu ka qeyb-galaa shirarka; kana soo muuqdaa waraysiyada  fogaan-aragyada dalka Suudaan isaga oo kaliya adeegsanaya qalin ...

Read More »

al-Azhar oo ISIS ku tilmaamay gabbal sii dhacaya

Qahira (Himilonews) – Ka fal-celinta muuqaal ay ISIS ku baahisay qaraxii ay ka geysteen bishii December sanadkii hore gudaha Kaniisad ku dhextaal magaalada Qaahira, al-Azhar ayaa tilmaamay in – in kasta oo kooxdu buunbuubinayso aragtideeda iyo howlahaeeda – ay dhabtii ku sugan tahay xaalad naf-la-caari ah. “ISIS waa gabbal kusii dumaya is-jiiriddooda danbe waxaana soo dhawaatay gabagabadooda,” ayuu ku yiri ...

Read More »

Muslimiinta US oo sida Islaamka loo arko dood kula galaya dadyowga la nool

New York (Himilonews) – Ku jiritaanka xilliga adag, Muslimiinta ku nool degmada Buffalo ee New York ayaa wada-hadal iyo dood ku aadan Islaamka iyo aragtida laga qabo la sameynaya dadka la degan – dadaal lagu doonayo in lagu naqdiyo aragtida siyaasadeed ee Donald Trump ka qabo Muslimiinta. Tani waxay imaanaysaa markii madaxweyne Trump uu 7 dal oo Muslimiin ah ka mamnuucay ...

Read More »

Maalinta Caalamiga ee Afka Hooyo 21 Febraayo oo la xusay

Muqdisho (Himilonews) – Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo oo ay qaban-qaabadeeda hormuud ka ahaayeen Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta iyo Akadeemiye-goboleedka af Soomaaliga oo kaashanaya wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare iyo Golaha Abwaanadda Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay hool loogu magac-daray Ali Sugulle oo ku dhex yaal xarunta Akeemiyadda ee magaalada Muqdisho. Muuqaalka guud ee munaasabadda ...

Read More »

Haweeney mataano ku dhashay da’da 64-jirka

Madrid (Himilonews) – Haweeney da’ ah ayaa ku faraxday inay dhasho wiil iyo gabar mataano ah oo caafimaad qaba, marka loo eego dhaqaatiirta dalka Spain. 64-jirta lagu magacaabo Mia ee degan Burgos ayaa waxyar kadib markay iska wiisitaysay isbitaalka Recoletas Burgos waxay dhashay laba cunug oo mataano ah. Dhaqaatiirta ayaa ku caawiyay haweeneydan inay markeedii labaad si nabad leh ku dhasho ...

Read More »

Maqaayad qiimo dhimis u sameysa qoysaska wata ilmaha dhaqanka suuban leh

Napoli (Himilonews)  – Milkiile maqaayad ku taalla gudaha Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay inuu go’aansaday u sameynta qiimo-dhimis qoysaska carruurta akhlaaqda fiican kadib markii macaamiil badan ay ka cawdeen buuqa iyo qeylada carruurta la keeno maqaayaddiisa. Antonio Ferrari, milkiilaha maqaayadda Padua ayaa sheegay in ugu horreyba uu maleyn jiray inaysan maangal ahayn waalidiintu inay carruurtooda aamusiyaan ama xadidaan dhaqdhaqaadooda, wuxuuna bartay inuu ...

Read More »

Iskuul mamnuucay mindiyada iyo fargeetada kadib dhibaatooyin ka dhashay

New York (Himilonews) – Iskuul ku yaalla Pennsylvania ee dalka Maraykanka ayaa mamnuucay isticmaalka fargeetooyinka iyo mindiyada kadib markii booliska loogu yeeray dhacdooyin dhowr ah oo ku saabsan arday is-mindiyaysay. Maamulaha dugsiga  Sto-Rox High School ayaa sheegay in mindiyada iyo fargeetada laga mamnuucayo iyada oo loo eegayo dhibaatooyin ka dhashay adeegsidooda. Ardayda ayaa si ku tala-gal ah u adeegsaday mindiyada iyo ...

Read More »

Sahan: Labiska macalinku wuxuu saameyn fiican ku leeyahay firfircoonida maskaxda ardayda

Texas (Himilonews) – Arday badan ayaa iska jecel inay iska hurdaan intii ay u dhaqsan lahaayeen fasallada, hayeeshe macalimad ayaa isku dayaysa inay reyreyn ku beerto si ay ugu soo hilloobaan iskuullada. Cindy Matthews, oo caawiye macalin ka ah dugsi hoose oo ku yaalla gobalka Texas ee Maraykanka ayaa maalin kasta usoo labisata qaab cusub oo qosol iyo farxad galiya ...

Read More »

Xuska Maalinta Caalamiga ee Cadaaladda Bulshada iyo Soomaaliya

Muqdisho (Himilonews) – 10 sano kahor maanta oo kale oo ku beegan sanadkii 2007-da, QM ayaa 20-February u asteysay maalinta caalamiga ah ee cadaaladda bulshada. Xuska maalintan ayaa lagu bandhigaa fursadaha lagu taageeri karo dadaallada socda oo beesha caalamku ugu jirto cirib-tirka jahliga, saboolnimada iyo sameynta ama abuurista shaqooyin kala duwan iyada oo lagu saleynayo habka gender-ka iyo niyad-samida qalbi ...

Read More »

Booqo Hoteelka 5-Star ee Bisadaha lagu marti-geliyo

Kula Lampur (Himilonews)  – Qolal heer-kul dhexaad leh, sariir boqortooyo iyo wixii soo raaca waxay kamid yihiin walxaha ay ku raaxaysanayaan bisadaha ku nool  Catzonia, oo ah 5 Star-ka cusub ee hoteellada Yaanyuurada. Dhaca Damansara, oo ah meel u dhow caasimadda Kuala Lampur, hoteelkan si kooban waxaa loogu tala-galay in lagu ilaaliyo baahiyada ay qabaan Bisadaha iyo in lagu dhowro xuquuqdooda. ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!