crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sahan: Labiska macalinku wuxuu saameyn fiican ku leeyahay firfircoonida maskaxda ardayda | HimiloNetwork

Sahan: Labiska macalinku wuxuu saameyn fiican ku leeyahay firfircoonida maskaxda ardayda

Texas (Himilonews) – Arday badan ayaa iska jecel inay iska hurdaan intii ay u dhaqsan lahaayeen fasallada, hayeeshe macalimad ayaa isku dayaysa inay reyreyn ku beerto si ay ugu soo hilloobaan iskuullada.
Cindy Matthews, oo caawiye macalin ka ah dugsi hoose oo ku yaalla gobalka Texas ee Maraykanka ayaa maalin kasta usoo labisata qaab cusub oo qosol iyo farxad galiya maskaxda ardayda.
Waxay subax walba taagan tahay iridda hore ee dugsiga iyada oo xiran dhar ka duwan kii shalay. Waxay farxad iyo muusood ku salaantaa ardayda markay soo qaabilaan.
“Tani waxay dhoolla-cadayn iyo niyad-wanaag ku beertaa dubaaqa ardayda,” ayuu yiri maamule Joy Burchfield.
Matthew taas oo kasoo shaqeysay muddo shan sanadood ah akadeemiyada farshaxanka ee Bransom Elementary ee Burleson, waxay saddax sano kahor bilowday falkan cajiibka ah mar lagu jiray xilli roobaad.
Waxay tilmaamtay in roobku da’ayay ku dhawaad laba toddobaad, qof kastana wuxuu u muuqday mid aan raja fiican ka lahayn aadista dugsiyada.
Waxay markaas soo xiratay jaakadda roobka iyo tuyuubka dabaasha, carruurtuna way jeclaadeen.
Saraakiisha dugsiga Burchfield waxay sheegeen in carruurta iyo bulshada oo dhan ay si mid ah u jeclaadeen awoodda ay galisay falkeeda togan.
Tani ayaa noqotay sahan cilmiyeed la fal-galiyay oo lagu ogaaday sida macalinku uusan kaliya saameyn ugu lahayn wax-baristooda ee sidoo kale uu karti u leeyahay inuu muuqaalkiisa qofnimo iyo hadba xirashada labis cusub ay farxad iyo firfircooni geliso dubaaqa ardayda.
Goobaha cusub ee lagu xanaaneeyo ilmaha oo dhawaan laga furay magaalada Muqdisho, waa inay dib u eegaan fikirkaan cusub kuna dhaqan-geliyaan xarumahooda si ay saameynteeda togan u helaan.
Isha: himilonews.so

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!