crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maqaayad qiimo dhimis u sameysa qoysaska wata ilmaha dhaqanka suuban leh | HimiloNetwork

Maqaayad qiimo dhimis u sameysa qoysaska wata ilmaha dhaqanka suuban leh

Napoli (Himilonews)  – Milkiile maqaayad ku taalla gudaha Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay inuu go’aansaday u sameynta qiimo-dhimis qoysaska carruurta akhlaaqda fiican kadib markii macaamiil badan ay ka cawdeen buuqa iyo qeylada carruurta la keeno maqaayaddiisa.
Antonio Ferrari, milkiilaha maqaayadda Padua ayaa sheegay in ugu horreyba uu maleyn jiray inaysan maangal ahayn waalidiintu inay carruurtooda aamusiyaan ama xadidaan dhaqdhaqaadooda, wuxuuna bartay inuu la noolaado buuqooda.
Si kastaba, waxaa timid inuu ku dhiirrado falkan markii uu arkay waalid iyo carruurtooda oo muddo saacado ah ku fadhiyay miiskooda – una dhaqmay si qurux badan.
Markii ay labadii waalid soo dul istaageen miiska lacag bixinta, Ferrari ayaa qiimo-dhimis 5% u sameeyey qoyskan waayo waxay xakameeyeen dhawaqa iyo dhaqdhaqaaqa carruurtooda – mana dhibin macmiisha kale.
Taniyo markaasna, Ferrari ayaa abaal-mariyay laba qoys oo kale kuwaas oo si fiican iyaga iyo carruurtoodaba u dhaqmay.
Milkiilaha maqaayadda ayaa qiyaasay in ku dhawaad 30% waalidiintu aysan fikrad ka heysan sida carruurta loo xakameeyo. Waxaana jira carruur badan oo aan dheg jalaq u siinin amarrada waalidka dhalay.
Aalaaba carruurta ayaa ku dhex orda hareeraha maqaayadda iyaga nasashada u diida macmiisha ku sugan – marmarna sababsada in kabal-yeeriga uu cuntada iska daadiyo. Balse Ferrari oo aan ilmo dhalin ayaa ku raacsan fikradda waalidka ee ah inaan la xakameyn karin dhaqdhaqaaqooda.
Waalidiinta qaar ayaa Ferrari u sheegay in ilmahooda ay sameyn karaan wixii ay ku farxaan maadaama maqaayaddu ay tahay mid ka wada dhaxeysa dadweynaha.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!