crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney mataano ku dhashay da’da 64-jirka | HimiloNetwork

Haweeney mataano ku dhashay da’da 64-jirka

Madrid (Himilonews) – Haweeney da’ ah ayaa ku faraxday inay dhasho wiil iyo gabar mataano ah oo caafimaad qaba, marka loo eego dhaqaatiirta dalka Spain.
64-jirta lagu magacaabo Mia ee degan Burgos ayaa waxyar kadib markay iska wiisitaysay isbitaalka Recoletas Burgos waxay dhashay laba cunug oo mataano ah.
Dhaqaatiirta ayaa ku caawiyay haweeneydan inay markeedii labaad si nabad leh ku dhasho labadan mataanaha ah. Howsha umulinteeda ayaa lagu sameeyey qeybta Cesarean section.
Bukaanka iyo labada mataano ayaa hadda ku sugan caafimaad dhameystiran. Tani waa kiisaska dhif-dhifta ah ee laga diiwaan-geliyo haweenka ku dhala markay dhaafaan da’da 58-jirka.
Waana haweeneydii ugu horreysay, taariikhda lahayo, ee mataano ku dhasha da’da ka baxsan 58-sano.
Howsha dhalmadeeda ayaa guul ugu dhamaatay dhaqaatiirtii ku howlaneyd ee isugu jiray kuwa ku gaaroobay gadaala-aqoonka iyo cudurrada carruurta.
Bilooyin kahor, Mia ayaa kasoo laabatay dalka Maraykanka halkaas oo ay hubin caafimaad u aaday.
Waxayse dooratay inay ku dhasho isbitaalka degmadeeda waayo halkan ayay lix sano kahor ku dhashay cunuggeedii koobaad oo caafimaad qaba.
Hayeeshe markii cunugaas laba sano jirsaday, dhaqaatiirta ayaa degta saartay daryeelkiisa waayo waxaa la arkay in hooyadu aanay maareyn karin noloshiisa maadaama markii loo keenayay ay ku arkeen nadaafad-yari, dhar baaliyaysan iyo nafaqo-yaraan.
Balse ilaa hadda wax go’aan lagama sameynin labada mataano oo haddeer ku jirta qeybta daryeelka ubadka ee isbitaalka.
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!