MUQDISHO (HN) — In ka badan 10 milyan oo Muslimiin ah ayaa salaadda ku dukaday qeybta Al-Rawda Al-Sharifa oo kamid ah Masjidka Nabiga ee magaalada Madiina inta lagu jiro sannadkan 2024, sida ay ku warbixisay Laanta Daryeelka Guud ee Masjidka Nabiga.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in 5,583,885 oo rag ah iyo 4,726,247 oo dumar ah ay booqdeen guriga Suubanaha NNKH – iyada oo muujisay sida weyn oo Muslimiintu ay u jecel yihiin inay Nabigooda soo booqdaan.
Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in Muslimiinta loo fududeeyey inay si dhib yar oo aan waqti badneyn ay ku gutaan xaajada ay u yimideen. Waxaase lasii saadaalinayaa in booqashadu intaas kasii badato sannadaha soo aadan.
Al-Rawda Al-Sharifa waa albaabka ama qeybta uu Nabigu NNKH kaga aasan yihiin Masjidka. Waxaana joogto u booqdaa qof walba oo yimaada Madiina kuna soo dukada Masjidka Suubanaha.
You must log in to post a comment.